5 Kooxood oo toos ugu dagaalamaya laacibka Barcelona & X

0

Difaaca Barcelona Jules Koundé ayaa xiiso ka helaya 5 kooxood oo Premier League ah, xilli mustaqbalkiisa Barcelona uu shaki galay kadib markii doorkiisa kooxda uu yaraaday.

Koundé ayaa sheegay inuu xaalad jireed oo wanaagsan ku jiro, balse uu fahamsan yahay inuu xilli ciyaareedkan helayo waqti ciyaareed ka yar kii hore, taasna uu u arko caqabad uu diyaar u yahay inuu wajaho.

Advertisment

Arsenal iyo Chelsea ayaa la sheegay inay yihiin labada kooxood ee ugu xiisaha badan Koundé, iyadoo lagu qiimeynayo inuu ka ciyaari karo daafaca midig iyo bartamaha difaaca.

Sidoo kale Liverpool, Manchester City iyo Manchester United ayaa si dhow ula socda xaaladdiisa.

Si kastaba, weli ma jiraan wada-hadallo ama dalab rasmi ah, waxaana Koundé Barcelona kula jiraa heshiis ilaa Juun 2030.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here