Arsenal ayaa wajahaysa tartan adag oo uga imaanaya Real Madrid, iyadoo labada kooxood ay xiiseynayaan xiddiga Juventus, Kenan Yildiz.
Yildiz ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay bartilmaameedka riyada ee Mikel Arteta. Tababaraha Arsenal ayaa doonaya inuu xiddiga reer Turkey keeno Emirates xagaaji, balse heshiiska ayaa fashilmay.
Arsenal ayaa sidoo kale xagaaga isku dayday saxiixyo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Vinicius Junior, Lautaro Martinez iyo Julian Alvarez, laakiin midkoodna ma aysan helin, Hadda munaanta Arsenal ee suuqa Janaayo ayaa ah inay hesho garab bidix oo tartan la geli kara Christos Tzolis, iyadoo Yildiz loo arko xiddig ku habboon qorshahas.
Si kastaba, Juventus ayaa qiime sare ku xiray 21-jirkan. Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, kooxda Talyaaniga ayaa doonaysa ugu yaraan €100 milyan (£84.7m) si ay xitaa uga fikirto iibkiisa, Real Madrid ayaa muddo dheer xiisaynaysay Yildiz, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laaban karto bartilmaameedka bisha June ee soo socota. Bayern Munich-na sidoo kale waxay ka mid tahay kooxaha doonaya xiddiga.
Tababaraha Juventus, Luciano Spalletti, ayaa si weyn u amaanay Yildiz, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan “kubadda cagta iftiimiya”, isla markaana la barbar dhigay Khvicha Kvaratskhelia.
“Dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo waa hal-abuur, wuxuuna jebinayaa nidaamka,” ayuu Spalletti yiri.
Yildiz wuxuu ka ciyaari karaa garabka bidix iyo lambarka 10-aad, isagoo caad ku ah goysmoyinka, xawaariha iyo inuu si xirfadaysan u baaso kubadda.

