DEG DEG Haaland oo dhaawac soo gaaray & Man City oo si weyn uga walaacsan xaalada laacibka…..

0

Manchester City ayaa wajahaysa walaac cusub kadib markii Erling Haaland uu dhaawac uga baxay kulankii Norway iyo Portugal ee UEFA Nations League, Haaland ayaa codsaday in laga beddelo ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 67-aad lagu beddelay Jørgen Strand Larsen.

Dhaawaca ayaa yimid xilli Manchester City ay isu diyaarinayso kulanka adag ee Liverpool, kaasoo 11-ka Oktoobar lagu ciyaari doono garoonka Anfield.

Advertisment

Haaland ayaa xilli ciyaareedkan City u dhaliyay 7 gool 7 kulan, waxaana sidoo kale kooxda ka maqnaan doona Phil Foden oo ganaax ku maqan, halka xaaladda Nico O’Reilly-na aan weli la hubin.

Manchester City ayaa hadda sugaysa war dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Haaland iyo haddii uu diyaar u noqon karo kulanka Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here