Fadeexad Fool XUN:- Barcelona oo 7 Gool & 0 ku xasuuqday Real Madrid & dunidii oo Yaaban ?

0

Barcelona dumarka ayaa guul weyn ka gaartay Real Madrid, kadib markii ay 7-0 ku garaacday kulan ka tirsanaa horyaalka Spain ee haweenka.

Claudia Pina ayaa noqotay xiddigtii ciyaarta, iyadoo dhalisay 4 gool, oo ay ku jirto hat-trick ay ku dhammaystirtay qaybtii hore.

Advertisment

Goolasha kale ee Barcelona waxaa kala dhaliyay Caroline Graham Hansen, Ewa Pajor iyo Sydney Schertenleib.

Guushan ayaa Barcelona ka caawisay inay sii haysato hoggaanka horyaalka iyadoo leh 18 dhibcood, halka Real Madrid ay leedahay 13 dhibcood.

Guusha Barcelona dumarka ayaa timid ka hor El Clásico-ga ragga, kaas oo Barcelona iyo Real Madrid ay ku ballansan yihiin 25-ka Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here