Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain Lamine Yamal ayaa sababay dood ka dhex dhalatay wariyaha caanka ah ee suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, iyo mid ka mid ah taageerayaasha, kaddib ciyaartii Spain ay 3-1 kaga adkaatay Czech Republic.
Yamal ayaa kulanka ciyaaray 45 daqiiqo, isagoo dhaliyay gool, sameeyay caawin, laba jeerna toogtay goolka, waxaana uu kubadda taabtay 38 jeer. Waxa kale oo uu abuuray fursad gool dhalin ah.
Goolka uu dhaliyay ayaa yimid 5 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi kaddib markii ciyaartu bilaabatay, waxaana uu noqday goolkiisii 11-aad ee xulka Spain, Kadib ciyaarta, taageere ayaa faallo ka bixiyay bogga Fabrizio Romano, isagoo ku eedeeyay wariyaha inuu si gaar ah u xayeysiinayo Yamal si uu ugu guuleysto Ballon d’Or-ka sanadkan.
Taageeraha ayaa yiri: “Runtii waad u xayeysiinaysaa.”
Romano ayaa si jees-jees ah ugu jawaabay, isagoo tilmaamay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Yamal: “Haddii uu 19 gool ku lug leeyahay 9 kulan gudahood, dabcan wuxuu u baahan yahay qof u xayeysiiyo.”
Goolkan ayaa sidoo kale Yamal ka caawiyay inuu gaaro rikoor cusub. Isagoo jira 19 sano iyo 82 maalmood, ayuu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa ee Yurub ka dhaliya 11 gool xulka qaranka.
Kaliya Harald Nielsen oo Denmark ah ayaa ka yaraa markii uu gaarayay 11 gool, isagoo markaas jiray 18 sano iyo 305 maalmood.
Spain ayaa dhankeeda sii dheereysatay taxanaha aan laga badin, iyadoo gaartay 41 kulan oo xiriir ah oo aysan guuldarro la kulmin.

