Saacadihii u danbeeye kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa Mar kale dagaal ka dhex qarxay, Labadan kooxood ayaa Saacadihii u danbeeye UEFA u diray bayaano rasmi ah kuwaas oo mid walbo dacwad ka gudbinaya Kiiska Negreira.
Kooxda Real Madrid waxay sheegtay inay UEFA u gudbisay dukumiintiyo iyo caddeymo aad u badan oo ku saabsan kiiska Negreira, waxayna dalbatay in baaritaanka loo wado sida ugu dhakhsaha badan ilaa laga gaarayo go’aan kama dambeys ah.
Sidoo kale kooxda Barcelona waxay ku jawaabtay in UEFA aysan furin baaritaan cusub, balse baaritaankii 2023-kii la bilaabay uu weli socdo, isla markaana uusan waligiis xirmin. Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay inay si buuxda ula shaqeyneyso hay’adaha UEFA.

Dhinaca kale UEFA waxay xaqiijisay inay heshay dukumiintiyada ay Real Madrid soo gudbisay, iyadoo sheegtay in baarayaasheedu ay qiimeyn doonaan dukumiintiyadaas iyadoo qayb ka ah baaritaanka socda.
Kiiska Negreira weli wuu socdaa, labada kooxoodna waxay bixiyeen fasiraado kala duwan oo ku saabsan waxa hadda ka socda UEFA.

Advertisment

