UGU DAMBEYN WARKII LASUGAYEY :- Midowga Yamal & Messi oo ugu dambeyn rumoobaya ?

0

Waxaa soo baxaya war ku saabsan mashruuc gaar ah oo sanadka 2027 isku keeni kara Lionel Messi iyo Lamine Yamal, laba ciyaaryahan oo matalaya jiilal kala duwan oo kubadda cagta ah, Sida ay sheegayaan warbixino uu qoray Footy Headlines, waxaa suuragal ah in shirkadda dharka iyo qalabka ciyaaraha ee Adidas ay diyaarinayso mashruuc gaar ah oo ay ku mideynayso Messi iyo Yamal.

Labada xiddig ayaa horey hal mar oo keliya isaga hor yimid garoonka, taasoo ahayd finalkii Koobka Adduunka 2026, markaas oo Spain ay 1-0 kaga adkaatay Argentina, Mashruuca cusub ayaa haddii la xaqiijiyo noqon kara mid astaan u ah is-dhiibista jiilalka kubadda cagta, iyadoo Messi uu yahay halyeey muddo dheer dunida kubadda cagta xukumayay, halka Yamal uu yahay mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee sida weyn looga hadlayo.

Advertisment

Warbixintu waxay xustay in 2027 uu noqon karo mid ka mid ah sannadihii ugu dambeeyay ee Messi uu Adidas kala shaqeeyo kabo gaar ah oo isaga loogu talagalay, iyadoo ciyaaryahanku uu ku sii dhawaanayo marxaladaha ugu dambeeya ee xirfaddiisa, Dhanka kale, Lamine Yamal ayaa si weyn uga dhex muuqday xiddigaha da’da yar ee Adidas la shaqeeya, waxaana horey loogu sameeyay noocyo gaar ah oo kabaha F50 ah oo magaciisa iyo saxiixiisa xambaarsan.

Sidaas darteed, Adidas ayaa la filayaa inay ka faa’iidaysan karto marxaladdan kala-guurka ah, iyadoo laga yaabo inay soo saarto taxane ama kabo gaar ah oo ay wadaagaan Messi iyo Yamal, Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta mashruucan weli si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana sidoo kale aan la caddeyn nooca uu noqon doono ama taariikhda rasmiga ah ee la soo bandhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here