Manchester United oo kalsooni ka qaba saxiix culus , saddex daafacna qorsheyneysa

0

Manchester United ayaa la sheegay inay weli kalsooni ka qabto inay mustaqbalka la soo saxiixan karto Lewis Hall, inkastoo daafaca bidix ee Newcastle United uu dhowaan saxiixay heshiis cusub oo muddo dheer ah, Sida lagu qoray TEAMtalk, maamulka Manchester United ayaa qorsheynaya inay xagaaga soo socda xoogga saaraan xoojinta difaaca kooxda, kaddib markii ay xagaayadii hore dib-u-dhis ku sameeyeen weerarka iyo khadka dhexe.

Manchester United ayaa xagaagii 2025 lasoo wareegtay Benjamin Sesko, Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, halka xagaagii 2026 ay kooxda ku biireen Youri Tielemans, Andrey Santos iyo Carlos Baleba, Hadda kooxda ayaa la sheegay inay qorsheyneyso saddex saxiix oo cusub oo dhanka difaaca ah, Manchester United ayaa xagaagii hore isku dayday inay hesho Lewis Hall, balse Newcastle ayaa diiday dalabkii kooxda, Warbixintu waxay sheegaysaa in United ay qorsheyneyso inay mar kale u dhaqaaqdo 22-jirka sanadka soo socda.

Advertisment

Si Newcastle loogu qanciyo iibka Hall, Manchester United ayaa laga doonayaa lacag gaareysa £75 milyan ama ka badan, Hall ayaa kooxda Manchester United u noqon kara qorshaha mustaqbalka ee booska daafaca bidix, iyadoo warbixintu sheegtay in loo arko beddel muddo dheer ah oo loo sameeyo Luke Shaw.

Haddii heshiiska Hall uu adkaado, United waxay sidoo kale indhaha ku haysaa Tyrick Mitchell oo ka tirsan Crystal Palace, kaasoo noqon kara bartilmaameed kale oo booskaas ah, Manchester United ayaa sidoo kale xiiseynaysa Wesley, daafaca garabka midig ee AS Roma.

23-jirka reer Brazil ayaa la sheegay inuu soo jiitay indhaha madaxda Manchester United, gaar ahaan waaxda xogta ee uu hoggaamiyo Michael Sansoni, United ayaa Wesley u aragta ciyaaryahan awood u leh inuu xoojiyo dhinaca midig ee difaaca.

Qorshaha saddexaad ayaa ah in Manchester United ay la soo saxiixato daafac dhexe oo khibrad Premier League leh, Kooxdu waxay qiimeyneysaa ciyaartoy ay kamid yihiin Jarrad Branthwaite oo Everton ah iyo Murillo oo Nottingham Forest ka tirsan.

Manchester United ayaa sidoo kale u baahan inay go’aan ka gaarto mustaqbalka Harry Maguire iyo Lisandro Martinez, maadaama qandaraasyadoodu dhacayaan bisha June, Haddii United ay awoodi weydo inay hesho Branthwaite ama Murillo, warbixintu waxay sheegaysaa in kooxda ay markaas u jeesan karto daafaca RB Leipzig ee Castello Lukeba.

Sidaas darteed, qorshaha Manchester United ee xagaaga soo socda ayaa hadda diiradda saaraya saddex boos oo difaaca ah: daafaca bidix, daafaca midig iyo daafaca dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here