Man City maxey ka tiri Eeda Premier League & Ganaaxa cusub ee sugaya ….

0

Kooxda Manchester City ayaa soo saartay bayaan rasmi ah kadib go’aankii Premier League ee lagu helay inay ku xadgudubtay 114 qodob oo la xiriira xeerarka horyaalka iyo nidaamka maaliyadeed.

Manchester City ayaa sheegtay inay niyad-jab iyo yaab ka muujinayso go’aanka guddiga Premier League, iyadoo si adag u diiday eedeymaha loo soo jeediyay, Kooxdu waxay ku adkaysatay inay aanay wax dambi ah gelin, iyadoo sheegtay inay hayso caddeymo xooggan oo ay aaminsan tahay inay taageerayaan mowqifkeeda kiiskan.

Advertisment

Manchester City waxay sidoo kale sheegtay inay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka sharci iyo kuwa nidaamyeed ee u bannaan si ay isaga difaacdo eedeymaha loo soo jeediyay, Kooxda ayaa ku doodday in go’aanka la soo saaray uu leeyahay khaladaad waaweyn oo la xiriira sharciga, mabaadi’da iyo xaqiiqooyinka kiiska, sidaas darteedna ay qorsheynayso inay qaadato racfaan.

Manchester City ayaa sidoo kale dhaliishay habka baaritaanka, iyadoo sheegtay inay muddo 8 sano ah si buuxda u ixtiraamaysay hannaanka baaritaanka, iyadoo aaminsanayd in Premier League uu yahay hay’ad nidaamiye ah oo madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo caddaalad ah, Kooxda ayaa intaas ku dartay in dacwadda iyo habraacyada Premier League ay weli socdaan, isla markaana ay jiraan qaybo muhiim ah oo aan weli la soo gabagabeyn.

Ugu dambeyn, Manchester City waxay sheegtay inaysan hadda bixin karin faahfaahin dheeraad ah ilaa la dhameystiro dhammaan tallaabooyinka sharci iyo nidaam ee mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here