England oo guul muhiim ah ka gaartay Czech Republic & Wiilkii Barcelona oo wacdareeyey

0

Xulka qaranka England ayaa gaaray guushiisii ugu horreysay ee tartanka UEFA Nations League 2026/27, kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Czech Republic ciyaar ka tirsanayd wareegga labaad ee group-ka.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Czech Republic ayaa England fursad weyn heshay markii ciyaaryahanka Czech Republic Pavel Šulc uu kaarka cas qaatay daqiiqaddii 25-aad, kadib markii garsooruhu uu dib u eegay VAR. Taas ayaa keentay in Czech Republic ay inta badan ciyaarta ku ciyaarto 10 ciyaaryahan.

Advertisment

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0, iyadoo England ay sameysay isku dayo ay gool ku raadinaysay, balse aysan awoodin inay shabaqa soo taabato, Bilowgii qeybtii labaad ayay England ugu dambeyn heshay goolkeeda koowaad. Anthony Gordon ayaa daqiiqaddii 47-aad shabaqa ku hubsaday, isagoo England u horseeday 1-0.

England ayaa sii waday cadaadiska, waxaana goolka labaad u dhaliyay kabtankooda Harry Kane daqiiqaddii 69-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0, Intaas kadib Czech Republic ma aysan awoodin inay soo laabato, waxaana ciyaartu ku dhammaatay England 2-0 Czech Republic.

Guushan ayaa England siisay 3 dhibcood, kadib markii kulankii koowaad ay 3-2 kaga adkaatay Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here