Maxaad ka taqaanaa Nolosha Geesigii badalay taariikhda kooxdan waliba ilaa maanta ay dhibtiisa ay dareemeyso

0
Tony Kroos waxa uu ku dhashay 4tii bishan January 1990 Magaalada Xeebeedka Geresfolder Waqooyi bari wadanka Jarmalka, Waxa soo bar baariyey qoys isboorti, waalidkii Rolan Kroos waxa uu ahaa Mucaariyahan hore & tababare hada & Hooyadii Bergit camer laacibad hore haataan waa macalimad dhanka Biologhy-ga, tony waxaa la dhashay walaal kaweyn oo lagu magacaabo flex kroos Laacibkii hore ee Weder Bremen & Naadiga hada Union Berlin kaas oo aan ku guuleysan caanimada uuku naaloonayo walaalkii.
Kroos yaraantiisii ma aheyn mid ku fiicnaa waxbarashada sababo ku aadan jaceelka uu uhayey kubadda cagta, waxaana Saameynta kubadda ay dhaaftay xad kasta isagoo kamaqnaashaha iskoolka uu kor udhaafay  40 cisho sanad dugsiyeedka lkn sidaa oo ay tahay waxa uu ahaa mid dagan oo og talaabada uu qaadayo isla markaana ay jecelyihiin dadka kuxeeran.
Laacibka waxa uu ciyaarista kubadda cagta ka bilaabay halka uu ku dhashay Waxey aheyd naadiga fc gresfolder waa naadigii ugu horeeyey ee uu midabkeeda difaaco isagoo 7 jir ah, waxaana talaabadii ugu horeysay uuka qaaday dunida kubadda cagta isagoo ka hoos shaqeynayey aabihii xiligaa oo aabihii tababare u ahaa caruurtaasi oo wax ka baraneysay dugsiga naadigaasi, markii uu halkaasi ku qaatay 5 sano, waxa uu uwareegay isagoo waalidkii & walaalkii lasocdaan naadiga Hanzarostok sanadkii 2002 markaa oo halkaasi bandhig cajiib layimid taasoo ka yeeshay iney indhaha kusoo jeediyaan dhamaan kooxaha yurub ilaa uu uga wareego 2006 dii da’yarada naadiga Bayern Munchen halkaasi waxa uu ku qaatay hal xili ciyaareed kahor inta aan loosoo badalin inuu kooxda 1aad.
Kulankiisii ugu horeeyey ee uu saftay waxa uu ka hortagay naadiga Energy Cotbos isagoo laba gool ka caawiyey gooldhaliyihii Horyaalka Jarmalka Mirlosive Klose , dhamaadkii xili ciyaareedkaasi waxaa u suuragashay inuu kooxda kula guuleysto horyaalka dalkaasi & koobka Jarmalka , intaasi kadib markii uu furmay suuqa kala iibsiga waxaa si amaah ah loogu diray naadiga Buyern liverkusen xili ciyaareedkii 2009-2010 taas oo looga gol lahaa in waqti badan uu ciyaaro si uu khibrad usoo kasbado, xili ciyaareedkii xigay waxa uu Toney Kroos kusoo laabtay naadiga Bayern isagoo bandhig cajiib ah la muujiyey waxa uu tusay dunida inuu laf dhabar uyahay Shaxda Kooxda, Sidoo kale Bavarianka waxa uu la qaaday koobabka suurtagalka kahor inta uusan ka tagin kuna biirin  naadiga Real madrid kadib markii uukula guuleystay Xulka Manshaft Koobkii dunida 2014 Markaa oo uu si toos ugu biiray Marege.
Tony Kroos waxa uu kamid yahay xidigaha aan Jecleyn noloshooda gaarka ah in dareenka warbaahinta ayku soo jeesato Sidoo kale majecla lahaasawida haweenka faraha badan, waxaa udhaxday Jasika Varber waana khabiirad caan ah oo dhinaca dalxiiska ah waxey ku guuleysatay hanashada qalbiga kroos waxa ay is guursadeen sanadkii 2015, waa hooyada laba caruur ah oo ay udhashay xidigan,  kroosna waxa uu ku tilmaamaa caawiyaha 1aad ee noloshiisa, mabixiso wax wareysiyo ah balse waxa ay joogto ula socotaa seygeeda.
Tony Kroos waxaa lagu bartay Xirashad kabo cad oo duq ah cagsigeeda saaxiibadiisa naadiga Malakiga kuwaas oo xirta kabo u gaar ah oo ay usoo sameeyaan shirdaha caalami ah bilowga xili ciyaareedka kasta, tani ayaa unoqoneysa sir ku duugan xirashada kabahaasi si joogto ah waqtigiisii Bayern marka uu xulkiisa matalayo kadibna Real Madrid, tan & 2009 kii yey aheyd sheekadaasi isagoo ku guuleystay tiro koobab ah Waxaa ugu muhiimsaneed dhowr jeer oo koobka Champions league ah ,&  koobka dunida, waxaa jira dhowr arin oo lagu cabiro kabahaasi balse mida dhabta ah ayaa ah Ayeeyadiis ayaa u hadiyeysan kabo noocaasi ah kahor inta aysan dhiman.waxa uu go’aansaday inuu sii joogteeyo xirashada kabahaasi si uu uweyneeyo, shirkadda Adidas ayaa usoo bandhigtay iney usameyso desing gaar ah balse waa uu diiday Tony.
Jariiradda Don Balon ee laga leeyahay dalka Spain ayaa ku warantay in laacibka sanadkii uu 300 kun oo Uero uu siiyo Xidiga Fernando Tores sababo ku aadan guriga uu ka dagan yahay deegaanka laveka ee caasimadda Madrid, waxaana jariirada intaasi ku dartay in laacibkan laga rabo 25 kun oo Euro bishii gurigaas uuka dagan yahay aawadeed, waxa uu dhacaa deegaan ay ku badan yihiin laacibiinta Real madrid, Heshiiska gurigaas ee labada laacib ayaa ku jira in laacibka reer Jarmal uu helo  Hool Xafladaha lagu sameeyo, Meelo lagu dabaasho , goobo jir dhiska ah lagu daray garaash qaada 10 gaari.
Sida caadada ah laacibiinta kubada cagta waxa ayka fogaadaan kahadalka arimaha siyaasadda si aysan usaameynin jamaahiirta ku kala fekerka duwan siyaasadda lkn Xidiga xulka jarmalka & Naadiga Real madrid waa uu kabaxay caadadaasi kadib markii uu daawaday dood Tvga ka bexeysay oo dhexmartay Angel Merkel & Martin cholt, waxaa  uu twitterka kusoo qoray Hanoolaato Enji kaasoo uuku muujinayo taageeradiisa Angel Merkel balse qoraalkaasi waxa uudood badan ka dhaliyey baraha bulshada markii ay weerareen dad ku kacsanaa ENji.
laacibki hore ee reer France & kooxaha borduex & weder Bremen Yohan  Niko ayuu Kroos u arkaa kan ugu fiican ee garoomada uu kaga daydo taasina waxaa usabab ah sida ay isaga shabahaan asaaliibta labada laacib & booskooduba , xidiga mar uu dooranayey shaxda ugu fiican FIFA 2014 & xidiga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro waxa uu yiri:- ” xaqiiqdii waxaa jira xidigo badan waa ay adag inaad mid doorato lkn waxana jeclaan lahaa inaan garoon lagalo Zinidine Zidane”.
Markale ayaa wax laga weydiiyey laacibka uu u arko inuu leeyhaay qaab ciyaareedkiisa waxa uu sheegay inuu arko laacibka Julian Vigel xidiga Kooxda Dortmond.
Marka laga tago ciyaarista kubadda cagta Tony kroos waxa uu leeyahay balwado kale uujecelyahay inuu sameeyo waqtiyada garoonka uusan kujirin waxaa kamid ah xanaaneynta eeyahay, waxa uu sidoo kale xiiseeyaa ciyaarista Teniska waxaana uu u arkaa iney tahay mid ugu fiican marka laga soo tago kubadda cagta isagoo sidoo kale taageera halyeeyga Teniska vedrer , Ciyaarta Bokerka waxey kamid tahay kuwa uu jecelyahay Tony.
Wiilkan caalmiga ah reer Jarmal waxa uu leeyahay Shaqsiyad aad ufiican taaso ka caawineysa abuurista saaxiibo badan oo ku wareegsan kubadda cagta, kuwa ugu dhow waxaa kamid ah saaxiibkiisa Tomas Mullar kaas oo mudo dheer ay soo wada ciyaareen sidoo kale waxa uu xiriir saaxiibtino oo xoogan kala dhexeeyaa Manuel nuer.
Tony Kroos oo dhawaan ka jawaabayey su’aalo baraha bulshada lagu weydiiyey waxaa kamid ah aheyd Guuldaradii ugu xanuunka badneyd taasoo uuku tilmaamay tii Bayern 2012 Champions league ay ku lumisay markii ay wajaheen  Chelsea, sidoo kale guulihiisii ugu waaweya waxa uuku tilmaamay Koobkii dunida 2014 uulaqaaday xulkiisa & koobkii Champions league ayka qaadeen Kooxda Juventus.
Advertisment

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here