Xiddiga Manchester City ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuusan doonayn inuu sii joogo kooxda haddii ciqaabta laga filayo kadib kiiska xeerarka maaliyadeed uu keeno in City laga saaro Premier League ama loo dhaadhiciyo heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska.
Wararka ayaa sheegaya in Arsenal iyo Real Madrid ay durba xiriir la sameeyeen wakiillada Haaland, iyagoo doonaya inay ogaadaan xaaladda weeraryahanka reer Norway haddii Manchester City ay wajahdo ciqaab culus, Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay xeerarka Financial Fair Play 114 jeer intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018. Kooxda ayaa qorsheynaysa inay racfaan ka qaadato go’aanka marka la shaaciyo ciqaabta rasmiga ah ee lagu soo rogi doono.
Iyadoo kiisku yahay mid aad u culus, ilo badan oo ku dhow arrinta ayaa filaya in City ay wajahdo ciqaab adag. Waxaa ka mid noqon karta in kooxda laga saaro Premier League, halka dhibco badan laga jari karo ay sidoo kale keeni karto in kooxda si toos ah ugu dhacdo heerka Championship.
Waxaa intaas dheer in warar kale ay sheegayaan in English Football League, haddii City laga saaro Premier League, laga yaabo inay diido in kooxda loo ogolaado inay si toos ah uga qayb gasho Championship, League One ama League Two. Taasi waxay abuuri kartaa xaalad keenta in Manchester City ay xitaa wajahdo suurtagalnimada inay ka bilaabato National League, oo ah heerka shanaad ee kubadda cagta Ingiriiska.
Xaaladdaas ayaa sidoo kale dhalin karta in qaar badan oo ka mid ah xiddigaha waaweyn ee City ay ka fikiraan inay kooxda ka tagaan, Haaland ayaa si gaar ah ugu jira bartamaha wararka, iyadoo Football Insider ay sheegtay in Arsenal iyo Real Madrid ay horey ula xiriireen wakiillada weeraryahanka si ay uga wada hadlaan mustaqbalka ciyaaryahanka.
Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay doonayso inay xoojiso booska weerarka xagaaga 2027, kadib markii ay ku guuldarreystay inay la soo wareegto Julian Alvarez xagaagii hore. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in kooxda reer London ay qorsheynayso inay sameyso saxiix weyn oo weeraryahan ah.
Sida uu sheegay wariye Pete O’Rourke, Manchester City waxay fahamsan tahay in Haaland uusan diyaar u ahayn inuu sii joogo kooxda haddii ay dhacdo in loo dhaadhiciyo heer hoose, isla markaana uusan doonayn inuu qayb ka noqdo qorshe dib-u-dhis ah oo lagu soo celinayo City heerka ugu sarreeya.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in haddii City lagu rido ciqaab culus, racfaankeeduna uu fashilmo, Haaland uu u dhaqaaqi karo koox kale, Si kastaba ha ahaatee Manchester City lama filayo inay si fudud ku iibiso Haaland. Qandaraaska weeraryahanka reer Norway wuxuu kooxda ku eg yahay ilaa 2034, waxaana horey loo xaqiijiyay inuusan qandaraaskiisa ku jirin qodob u oggolaanaya inuu si toos ah uga tago kooxda haddii ay relegation wajahdo.
Taasi waxay ka dhigan tahay in haddii Haaland suuqa soo galo, Manchester City ay awood u yeelan karto inay dalbato lacag aad u badan, Waxaa sidoo kale jiri doona tartan xooggan oo ka imanaya kooxaha waaweyn sida Real Madrid iyo Barcelona, halka Arsenal-na ay doonayso inay qayb ka noqoto tartanka.
Sidaas darteed, haddii Haaland uu dhab ahaantii ka tago Manchester City, waxaa suurtagal ah in qiimaha lagu iibiyo uu dhaafo rikoodhka adduunka ee hadda jira, kaas oo ah £198 milyan oo PSG ay ku bixisay Neymar markii ay Barcelona kala soo wareegtay.

