Waxaa haatan jira 10 ciyaaryahan oo hore uga soo ciyaaray Manchester United kuwaas oo koox la’aan ah, iyadoo qaar ka mid ah xiddigahaasi ay kooxda Old Trafford ku joogeen heshiisyo waaweyn oo gaaraya ku dhowaad £295 milyan.
Liiskan waxaa ku jira xiddigo waaweyn sida Paul Pogba, Anthony Martial, Jadon Sancho, Juan Mata, Christian Eriksen, Wilfried Zaha iyo ciyaartoy kale oo waqtiyo kala duwan muhiim uga ahaa Manchester United.
Juan Mata
Juan Mata oo 38 jir ah ayaa ah ciyaaryahanka ugu da’da weyn liiskan. Wuxuu Manchester United kaga soo biiray Chelsea sanadkii 2014, isagoo markaas noqday mid ka mid ah saxiixyadii ugu waaweynaa kooxda.
Mata ayaa United ka tagay 2022, kaddibna wuxuu u ciyaaray kooxo ku kala yaalla Turkey, Japan iyo Australia. Inkastoo uusan si rasmi ah uga fariisan kubadda cagta, haddana wuxuu sidoo kale kasoo muuqday barnaamijyo falanqeyn ciyaareed.
Chris Smalling
Chris Smalling, oo 36 jir ah, ayaa sidoo kale haatan ah ciyaaryahan aan koox lahayn.
Daafaca reer England ayaa Manchester United kasoo ciyaaray muddo dheer, waxaana uu markii dambe waqti ku qaatay Italy iyo Saudi Arabia. Hadda wuxuu doonayaa inuu sii wato ciyaartiisa, inkastoo da’diisa ay ka dhigayso inay adkaato helitaanka koox cusub.
Paul Pogba
Paul Pogba ayaa ah mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn liiskan.
Manchester United ayaa 2016 ku soo celisay Pogba heshiis ku kacay £89 milyan, kaasoo xilligaas ahaa rikoodhka adduunka ee lacagta lagu bixiyo ciyaaryahan.
Si kastaba, Pogba ayaa sannadihii dambe la kulmay dhaawacyo badan iyo ganaax la xiriiray arrimo doping ah oo socday 18 bilood.
Xilli ciyaareedkii hore wuxuu u ciyaaray Monaco, balse wuxuu kooxdaas kaga baxay kaddib markii uu hal kulan oo kaliya kusoo bilowday.
Anthony Martial
Anthony Martial ayaa isna kamid ah ciyaartoyda waaweyn ee haatan koox la’aanta ah.
Martial ayaa Manchester United kaga soo biiray Monaco, wuxuuna kooxda u ciyaaray sagaal sano, isagoo celcelis ahaan xilli kasta dhaliyay ku dhowaad sagaal gool.
Dhaawacyo badan ayaa saameeyay waayihiisa dambe ee United, waxaana kooxda ka baxay 2024.
Kadib wuxuu u dhaqaaqay AEK Athens, ka hor inta uusan ku biirin Monterrey ee Mexico. Heshiiskii Monterrey ayaa markii dambe la soo afjaray hal sano ka hor waqtigii loogu talagalay.
Jadon Sancho
Jadon Sancho oo 26 jir ah ayaa sidoo kale ku jira liiska.
Sancho ayaa Manchester United kaga soo biiray Borussia Dortmund, balse waayihiisa Old Trafford waxaa hareeyay khilaaf iyo joogteyn la’aan.
Wuxuu waqtiyo badan amaah ugu maqnaa kooxo kale, waxaana Chelsea ay xitaa bixisay lacag si ay uga baxdo heshiiskii la xiriiray saxiixiisa.
Sancho ayaa inkastoo ay sidaas tahay kasoo ciyaaray finalka Champions League, finalka Europa Conference League iyo finalka Europa League, isagoo ku guuleystay labada tartan ee dambe.
Wilfried Zaha
Wilfried Zaha oo 33 jir ah ayaa sidoo kale hadda koox la’aan ah.
Zaha wuxuu Manchester United ku biiray xilligii David Moyes, balse waayihiisa Old Trafford ma aysan noqon kuwo guuleysta, waxaana markii dambe dib ugu laabtay Crystal Palace.
2023 ayuu u dhaqaaqay Galatasaray ee Turkey, halkaas oo uu muddo ku qaatay ka hor inta uusan mar kale noqon ciyaaryahan aan koox lahayn.
Adnan Januzaj
Adnan Januzaj ayaa isna kamid ah ciyaartoydii hore ee United ee hadda aan koox lahayn.
Januzaj wuxuu Manchester United kusoo baxay xilligii David Moyes, waxaana loo arkayay ciyaaryahan mustaqbal weyn leh.
Kadib wuxuu u ciyaaray Real Sociedad iyo Sevilla, waxaana sidoo kale uu matalay xulka Belgium labo Koob Adduun.
Christian Eriksen
Christian Eriksen ayaa 34 jir ah, waxaana uu Manchester United kaga yimid Brentford.
Eriksen wuxuu United muhiim uga ahaa xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Erik ten Hag, isagoo kooxda ka caawiyay inay gaarto afar final.
Kadib markii uu Manchester United ka tagay, Eriksen wuxuu ku biiray Wolfsburg, balse heshiiskiisa ayaa toddobaadkii hore si wadajir ah loo soo afjaray.
Matteo Darmian
Matteo Darmian oo 36 jir ah ayaa isna liiska ku jira.
Darmian wuxuu Manchester United ka tagay isagoo ku biiray Inter Milan, halkaas oo uu ku qaatay lix sano oo guulo badan leh.
Wuxuu Inter kula guuleystay saddex Scudetto iyo saddex Coppa Italia, sidoo kalena wuxuu kooxda la gaaray laba final oo Champions League ah.
Inter ayaa xagaagan fasaxday Darmian, waxaana hadda uu raadinayaa koox cusub.
Brandon Williams
Brandon Williams ayaa ah ciyaaryahanka tobnaad ee liiskan.
Williams ayaa Manchester United kasoo baxay akadeemiyadda kooxda, waxaana mar loo arkayay mid kamid ah daafacyada mustaqbalka kooxda.
Si kastaba, dhaawacyo iyo arrimo kale ayaa saameeyay horumarkiisa. Wuxuu isku dayay inuu dib u bilaabo waayihiisa Hull City, balse arrintaasi ma aysan miro dhalin.
Dhawaan ayuu tababar la qaatay Rochdale oo ka ciyaarta League Two, laakiin kooxda ayaa go’aansatay inaysan heshiis siin.
Liiska 10-ka ciyaaryahan
10-ka ciyaaryahan ee hore uga tirsanaa Manchester United ee haatan koox la’aanta ah ayaa kala ah:
- Matteo Darmian
- Chris Smalling
- Brandon Williams
- Paul Pogba
- Christian Eriksen
- Juan Mata
- Jadon Sancho
- Wilfried Zaha
- Adnan Januzaj
- Anthony Martial
Manchester United ayaa ciyaartoydan ku bixisay lacag aad u badan intii ay kooxda joogeen, waxaana liiska ku jira Pogba oo kaliya dib loogu soo iibsaday £89 milyan, halka Juan Mata uu ahaa saxiix rikoodh u ahaa kooxda xilligii uu kusoo biiray 2014.

