Manchester City oo wajaheysa khatar ah in laga saaro Premier League loona diido EFL

0

Manchester City ayaa wajahaysa mustaqbal aan la hubin kaddib markii guddi madax-bannaan uu kooxda ku helay dambi ku dhowaad dhammaan eedihii dhaqaale ee ay Premier League ku soo oogtay, iyadoo hadda la hadal hayo xitaa suurtagalnimada in kooxda laga saaro horyaalka heerka koowaad ee England.

City ayaa lagu helay dambi 129 ka mid ah 130-ka dacwadood ee la xiriiray jebinta xeerarka dhaqaale ee Premier League, iyadoo eedahaasi ay daboolayeen muddo u dhexeysay 2009 ilaa 2023, Kooxda ayaa si adag u diiddan go’aanka, waxaana ay sheegtay inay sii wadi doonto racfaannada iyo dagaalka sharci ee ay kaga hor imaanayso natiijada guddiga.

Advertisment

Waxaa jira dhowr ciqaabood oo laga yaabo in Manchester City lagu soo rogo. Waxaa ka mid ah ganaax lacageed oo aad u weyn, in laga qaado qaar ka mid ah koobabkii Premier League ee ay ku guuleysatay muddadii baaritaanka, ama in kooxda lagu rido dhibco aad u badan oo sababi kara inay si toos ah ugu dhacdo Championship-ka.

Haddii City lagu rido dhibco badan, kooxda waxay u badan tahay inay hal heer hoos ugu dhacdo Championship, iyadoo xilli ciyaareedkeeda uu sii socon karo, Laakiin haddii Premier League ay qaadato tallaabada ugu adag oo ay City gebi ahaanba ka saarto horyaalka, xaaladdu aad ayay uga sii adkaan kartaa.

Haddii Manchester City laga saaro Premier League, kooxda waxay u baahan doontaa inay codsato xubinnimada English Football League, oo loo yaqaan EFL, Sida warbixintu sheegtay, EFL qasab kuma aha inay City si toos ah u geliso Championship-ka.

EFL ayaa markaas go’aamin karta in kooxda lagu daro Championship, League One ama League Two, ama xitaa ay diidi karto codsiga xubinnimada, Haddii EFL ay gabi ahaanba diido codsiga Manchester City, tallaabada xigta ee kooxda waxay noqon kartaa inay isku daydo inay ka mid noqoto National League, oo ah heerka shanaad ee kubadda cagta England, Taasi waxay ka dhigan tahay in haddii City laga saaro Premier League oo aan EFL aqbalin, kooxda ay arki karto hoos-u-dhac aad u weyn oo ka fog Championship-ka.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii City dhibco badan laga jaro, kooxda ay si weyn ugu dhowaan karto inay u dhacdo Championship, balse ay weli sii wadanayso xilli ciyaareedka, Haddii se kooxda laga saaro Premier League bartamaha xilli ciyaareedka, waxaa dhalan kara xaalad adag oo dhinaca jadwalka iyo tartamada ah, maadaama City aysan awoodi doonin inay sii ciyaarto kulamadii Premier League, iyadoo sidoo kale sugaysa in la go’aamiyo halka ay xilli ciyaareedka xiga ka bilaabi doonto.

Kooxda waxaa lagu eedeeyay inay bixin weyday xog dhaqaale oo sax ah oo ku saabsan dakhliga heshiisyada xayaysiinta, dhinacyada xiriirka la leh iyo kharashaadka hawlgalka intii u dhexeysay 2009/10 iyo 2017/18. Qaybtan waxaa ku jiray 50 eedood.

Agaasimaha guud ee Manchester City, Ferran Soriano, ayaa kulan ay isugu yimaadeen madaxda kooxaha kubadda cagta Yurub magaalada Copenhagen ka sheegay in kooxdu aysan aqbalin go’aanka guddiga, Soriano ayaa sheegay in City ay muddo siddeed sano ah dagaal sharci ku jirtay, isla markaana aysan qorsheynayn inay hadda joojiso.

Wuxuu tilmaamay in dacwaddu ay qaadatay siddeed sano, isla markaana ay qaadan karto waqti intaas ka badan, Manchester City ayaa weli ku adkeysanaysa in eedaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxaana kooxda la sheegay inay ku kalsoon tahay in ugu dambeyn lagu caddeyn doono mowqifkeeda.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in City ay filayso in go’aanka guddiga si rasmi ah loo soo saari karo maalmaha soo socda, inkastoo aan la filayn in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee xigta, Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisyada sirta iyo xaddidaadaha ku saabsan xogta kiiska ay ka hor istaageen inay si buuxda uga jawaabto dhammaan qodobada go’aanka ay si weyn uga soo horjeeddo.

Mustaqbalka Manchester City sidaas darteed wuxuu ku xirnaan doonaa ciqaabta ugu dambeysa ee Premier League, natiijada racfaannada kooxda iyo haddii ay dhacdo in laga saaro horyaalka, go’aanka EFL ee ku saabsan halka ay kooxda ka sii ciyaari karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here