Liverpool oo qorsheynaysa inay amaah suuqa January kula soo wareegto daafaca Barcelona Ee Alejandro Baldé kadib kulan ay la yeesheen Jorge Mendes

0

Sida ay sheegtay Wargeyska Sport, kooxda Liverpool ayaa sii xoojinaysa xiisaheeda ku aaddan xiddiga Alejandro Baldé.

Kooxda reer England ayaa dooneysa inay xoojiso booska daafaca bidix suuqa kala iibsiga jiilaalka Ee soo socda, waxaana ciyaaryahanka Barcelona uu ka mid yahay xiddigaha ugu sarreeya Ee ay kooxdavku ciyaarta Anfield xiiseyneyso. Maamulka ciyaaraha ee Liverpool ayaana si buuxda ugu qanacsanayn bandhigyada haatan ka socda booska daafaca bidix, waxayna daafaca Barcelona u arkaan fursad soo jiidasho leh oo suuqa January laga heli karo.

Advertisment

Xiisaha Liverpool ayaa durba isu beddelay tallaabooyin dhab ah. Wakiilka Baldé, Jorge Mendes ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo Liverpool ah si ay uga wada hadlaan shuruudaha heshiis suurtagal ah.

Qaabka hadda laga fikirayo wuxuu la mid yahay kii Ronald Araújo: amaah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ah, iyadoo lagu darayo qodob u oggolaanaya Liverpool inay si rasmi ah ula wareegto ciyaaryahanka xagaaga soo socda.

Liverpool weli waxay u baahan tahay inay gaarto go’aan kama dambeys ah ka hor inta aysan Barcelona u gudbin dalab rasmi ah. Haddii heshiiska la oggolaado, dalab ayaa imaan kara toddobaadyada soo socda, waxaana suurtagal ah inuu yimaado xitaa ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga jiilaalku si rasmi ah u furmin 1-da Janaayo.

Inkasta oo Baldé uu helay waqti ciyaareed kulankii ugu dambeeyay ee Champions League, haddana wuxuu ogyahay in xaaladdiisa Barcelona ay isbeddel ku timid, wuxuuna diyaar u yahay inuu koox kale u wareego. Fursadda uu ugu biiri karo mid ka mid ah kooxaha waaweyn Re Premier League ayaa soo jiidanaysa ciyaaryahanka, kaasoo weli haysta fursad weyn oo uu ku horumari karo marka la eego da’diisa iyo awoodihiisa.

Wakiilka caanka ah Ee Jorge Mendes ayaa u shaqeynaya sidii uu macmiilkiisa ugu heli lahaa dhowr fursadood, iyadoo suurtagalnimada Liverpool ay sii xoogeysaneyso. Xawaaraha Baldé, awooddiisa uu kubadda ku horumariyo iyo orodyadiisa weerarka ayaa dhammaantood ku habboon astaamaha daafaca garabka ah Ee kooxda Anfield ku ciyaarta ay raadineyso.

Barcelona dhankeeda kama saarayso suurtagalnimada inay wadahadal ka gasho bixitaanka ciyaaryahankeeda ka soo baxay akadeemiyadeeda, balse heshiis kasta wuxuu ku xiran yahay inay marka hore xoojiso difaaceeda. Maamulka ciyaaraha ee kooxda ayaa mudnaanta koowaad ka dhigay la soo saxiixashada daafac dhexe, iyadoo la doorbidayo mid lugta bidix ku ciyaara, si Hansi Flick loogu helo fursado dheeraad ah.

Kooxda Barcelona ayaa la tilmaamayaa inaysan dooneyso inay daciifiso kooxdeeda inta uu xilli ciyaareedku socdo, waxayna oggolaan doontaa oo keliya in Baldé uu baxo haddii ay suuqa ka hesho beddel ku qanciya. Intaa waxaa dheer, awoodda dhaqaale ee heshiisku abuuri karo iyo shuruudaha qodobka iibka joogtada ah ee ay Liverpool soo jeediso ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaari doona.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha uga imaanaya England ayaa sii kordhaya. Maadaama Mendes uu si toos ah uga qeyb qaadanayo wadahadallada, ciyaaryahankuna uu diyaar u yahay inuu baxo, toddobaadyada soo socda ayaa noqon kara kuwo go’aan ka gaaraya mustaqbalka daafaca bidix Ee Barcelona.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here