Paul Merson oo Arteta ugu baaqay inuu keydka dhigo xiddig muhiim ah oo Arsenal ah

0

‎Paul Merson ayaa ku adkeystay in Premier League-ku uu “dhammaan doono” haddii Arsenal ay Axadda garaacdo Manchester City, wuxuuna Mikel Arteta ugu baaqay inuu keydka dhigo xiddig muhiim ah si ay guul u gaaraan.

‎Gunners-ka ayaa sagaal dhibcood ka hor mari doona City haddii ay guul ka gaaraan kooxda ay xafiiltamaan ee Emirates Stadium, iyadoo saddex guuldarro iyo barbaro uu galay kooxda Enzo Maresca ay sababtay inay hoos uga dhacaan xawaaraha tartanka, kadib bilowgii xilli ciyaareedka oo ay si buuxda u guuleysanayeen.

Advertisment

‎Arsenal ayaa hadda barbaro gashay labadii kulan Ee ugu dambeeyay oo xiriir ah, kuwaasoo kala ahaa kulankii Newcastle Ee Premier League iyo Borussia Dortmund Ee Champions League, waxaana Arteta uu rajeynayaa inuu toddobaadkan dib ugu soo laabto guulaha.

‎‎Merson ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay guusha gaari karto haddii ay “geesinimo” u muujiyaan inay ciyaarta ku qaadaan City.

‎‎“haddii aad geesinimo leedahay sida Fulham oo kale oo ciyaartoy ku dirtay xerada ganaaxa kooxda ka soo horjeedda waad garaaci kartaa Man City,” ayuu ka yiri Sky Sports.

‎‎“Dhibaatada ay qabaan waa tan: aad bay u furan yihiin, mana jiro cabsidii ay hore u abuuri jireen. Sidoo kale uma maleynayo in Erling Haaland uu helayo kubadihii uu mudnaa.”

‎‎“Waxaad jeclaan lahayd inaad aaminto in ciyaartoyda City aysan saameyn ku yeelanayn dacwadaha dushooda saaran, sababtoo ah qofna ma garanayo waxa dhici doona. Sidaas darteed waa inaad ciyaartaa ilaa aad ogaato waxa dhici doona.”

‎‎“Laakiin haddii Arsenal ay ciyaartan badiso, horyaalku wuu dhammaan doonaa. Waxay sagaal dhibcood ka hor mari doonaan City, horyaalkuna si aad iyo aad u dhaqso badan ayuu u dhammaan karaa.”

‎‎Viktor Gyokeres ayaa gool cajiib ah ka dhaliyay Dortmund, wuxuuna ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii Arsenal ugu fiicnaa bandhig ciyaareedkii tamarta yaraa.

‎Merson ayaa Arteta ugu baaqay inuu Gyokeres, oo ah weeraryahanka weyn Rr reer Sweden keydka u dhaadhiciyo, isla markaan ku soo bilaabo Kai Havertz kaasoo ku soo bilowday dhammaan kulamada Premier League Ee xilli ciyaareedkan marka laga reebo hal kulan si uu uga hortago in ciyaarta ay isu beddesho “ciyaar kubadeed”, marka ay wajahaan difaaca jilicsan Ee City.

‎‎“Wax badan ma uusan ciyaarin kubadda cagta, mararka qaarna wuu fiican yahay mararka qaarna ma fiicna, laakiin waxaan u badan tahay inaan ku soo bilaabi lahaa kulanka Man City,” ayuu Merson ku daray.

‎‎“Daafacyada dhexe ma jeclaan doonaan orodka iyo isku dhaca joogtada ah. Haddii aad eegto Man City, taasi waxay ahayd dhibaatadooda xilli ciyaareedkan, marka daafacyadooda cadaadis la saaro oo uu dagaal yar dhaco.”

‎‎“Haddii aad ciyaarsiiso Havertz, oo aan taageere weyn u ahay, ciyaartu waxay isu beddeli doontaa ciyaar kubadeed, ciyaartoyda Man City-na taas way ku farxi doonaan, maadaama ciyaartu hortooda ka socoto.”

‎‎Merson ayaa hadalkiisa kusoo gababageeye:

‎“Gyokeres wuxuu u ciyaaraa si ka duwan, taasina waxay dhibaatooyin waaweyn ku abuureysaa labada daafac dhexe, Marc Guehi iyo Ruben Dias, kuwaasoo aan xilli ciyaareedkan si fiican u ciyaarin.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here