RASMI: Real Madrid Oo Qandaraaska U Kordhisay Brahim Díaz Ilaa 2031

0

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis cusub oo shan sano ah ka saxiixatay xiddigeeda reer Morocco, Brahim Díaz, kaasoo hadda kooxda sii joogi doona ilaa 30-ka June 2031.

Real Madrid ayaa bayaan ay ku daabacday boggeeda rasmiga ah ku xaqiijisay heshiiska cusub ee ay la gaartay ciyaaryahanka, kaasoo ka mid ah xiddigaha muhiimka u ah qorshaha tababare José Mourinho.

Advertisment

Bayaanka kooxda ayaa lagu sheegay:

“Real Madrid iyo Brahim Díaz ayaa heshiis ku gaaray kordhinta qandaraaskiisa, kaasoo u oggolaanaya inuu kooxda sii joogo ilaa 30-ka June 2031.”

Brahim Díaz ayaa Real Madrid ku soo biiray sannadkii 2019, xilligaas oo uu jiray 19 sano, waxaana lixdii xilli ciyaareed ee uu kooxda u ciyaaray uu saftay 173 kulan.

7 koob oo uu kula guuleystay Real Madrid

Intii uu joogay Santiago Bernabéu, Brahim Díaz ayaa kula guuleystay Real Madrid toddobo koob oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:

Hal mar Champions League.

Hal mar Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Hal mar UEFA Super Cup.

Laba jeer horyaalka La Liga.

Laba jeer Spanish Super Cup.

Guulaha uu la gaaray xulka Morocco

Dhanka xulka qaranka Morocco, Brahim Díaz ayaa ilaa hadda saftay 36 kulan oo caalami ah, isagoo dhaliyay 15 gool.

Sidoo kale, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta gooldhaliyaha ugu sarreeya Koobka Qaramada Afrika ee 2025.

Heshiiskan cusub ayaa muujinaya kalsoonida Real Madrid ay ku qabto Brahim Díaz, iyadoo kooxda reer Spain ay xaqiijisay in ciyaaryahanku qayb ka sii ahaan doono qorshaheeda mustaqbalka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here