Wakiilka caanka ah ee ciyaartoyda kubadda cagta, Jorge Mendes, ayaa maanta booqday magaalada Barcelona, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeeshay daafaca bidix ee kooxda Barcelona, Alejandro Balde, si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa kooxda, iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo uu soo dhow yahay.
Mustaqbalka qaar ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa mugdi ku jira, iyadoo aan weli la hubin kuwa sii joogi doona kooxda iyo kuwa laga yaabo inay ka tagaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Sida ay baahisay wargeyska Isbaanishka ah ee Sport, Jorge Mendes ayaa maanta magaalada Barcelona kula kulmay xiddiga kooxda ee Lamine Yamal, waxaana labadooda lagu arkay iyagoo qado ku wada qaadanaya mid ka mid ah maqaayadaha magaalada.
Kaddib kulankaas, wakiilka reer Portugal ayaa kulan toos ah la yeeshay Alejandro Balde, kaas oo ay si faahfaahsan uga wada hadleen xaaladda uu haatan kaga sugan yahay Barcelona iyo fursadaha kala duwan ee la xiriira mustaqbalkiisa.
Balde ayaa suuqa kala iibsiga xagaagii hore haystay fursad uu kaga tagi karay Barcelona, balse wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo, si uu tababare Hansi Flick u tuso awooddiisa una helo boos joogto ah.
Si kastaba ha ahaatee, daafacan ayaan xilli ciyaareedkan helin fursado badan oo uu kaga soo muuqdo kooxda koowaad, iyadoo tababare Hansi Flick uu marar badan adeegsaday xalal kale oo ku saabsan booska daafaca bidix, isaga oo aan si joogto ah ugu tiirsanayn Balde.
Arrintan ayaa loo arkaa fariin muujinaysa in booska Balde ee kooxda uusan hadda sidii hore u sugnayn, taasoo keentay in laga hadlo suurtagalnimada inuu ka tago Barcelona.
Wargeyska Sport ayaa sidoo kale sheegay in dhowr kooxood oo Yurub ah ay xiiseynayaan saxiixa Alejandro Balde, isla markaana ay si toos ah ula xiriireen wakiilkiisa Jorge Mendes, iyagoo u muujiyey rabitaankooda ku aaddan la soo wareegistiisa.
Jorge Mendes ayaa kulanka uu la yeeshay Balde ujeeddadiisu ahayd inuu dhageysto rabitaanka ciyaaryahanka, fahmo waxa uu ka damacsan yahay mustaqbalkiisa, isla markaana qiimeeyo xaaladdiisa Barcelona ka hor inta aan la gaarin go’aan kama dambays ah.
Waxaa la sugayaa go’aanka Balde iyo mowqifka Barcelona, iyadoo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo uu noqon karo waqti muhiim u ah mustaqbalka daafacan.

