Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay bartilmaameedsanayso saddex saxiix oo muhiim ah suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, iyadoo shaaca laga qaaday miisaaniyadda iyo doorka tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino.
Pochettino, oo qalinka ku duugay qandaraas soconaya ilaa sanadka 2029 oo leh ikhtiyaar hal sano lagu kordhin karo, ayaa si rasmi ah ula wareegaya shaqada kooxda maalinta Arbacada, isagoo bixin doona tababarkiisii ugu horreeyay ka hor kulanka Axadda ee Liverpool.
Macallinkii hore ee Chelsea, Tottenham iyo PSG ayaa la wareegaya United oo ku jirta xaalad adag iyo aagga looga haro horyaalka Premier League ka dib markii ay badiyeen kaliya saddex kulan 15 ciyaarood oo dhammaan tartamada ah, taas oo keentay in la cayriyo Michael Carrick.
Sida uu ku warramay wargeyska The Daily Mail, maamulka Red Devils ayaa Pochettino u gacan-gelin doona dhaqaale xaddidan oo uu suuqa Janaayo kula soo wareego daafac bidix, daafac dhexe iyo weeraryahan toos ah, iyadoo tababaraha cusub uu talo ku yeelan doono qorshaha suuqa toddobaadyada soo socda.
Dhanka weerarka, xiddiga xulka Maraykanka ee Folarin Balogun ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ka mid ah dookhyada u furan kooxda ka dib markii uu xagaagii burburay heshiis uu ugu wareegi lahaa Everton.
Dhanka daafaca dhexe, United ayaa ka fiirsanaysa laba magac oo kala ah Calvin Bassey oo u ciyaara Fulham iyo Nathan Collins oo ka tirsan Brentford.

