Warar cusub ayaa laga helayaa xaaladda Manchester City, kadib markii kooxda lagu helay inay jebisay qaar ka mid ah xeerarka maaliyadeed ee Premier League intii u dhexeysay 2009 iyo 2018.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo xigatay BBC, Manchester City waxaa lagu helay dambi 114 ka mid ah 115-kii eedood ee loo haystay, balse guddiga madaxbannaan ee qaabilsan kiiska ayaan weli go’aamin nooca ciqaabta lagu soo rogi doono kooxda.
Mid ka mid ah arrimaha ugu weyn ee hadda la hadal hayo ayaa ah in Manchester City laga qaado koobabkii ay ku guuleysatay muddadii ay eedahaasi khuseeyeen.
Intii u dhexeysay 2009 iyo 2018, Manchester City waxay ku guuleysatay 8 koob, kuwaas oo kala ahaa: 3 Premier League. 1 FA Cup, 1 Community Shield, 3 League Cup/Carabao Cup.
Si kastaba, warbixinta BBC ayaa sheegaysa in aysan jirin rabitaan xooggan oo ka dhex jira Premier League iyo kooxaha xubnaha ka ah oo ku aaddan in City laga xayuubiyo koobabkan, Taasi waxay ka dhigan tahay in qaadista koobabka aysan ahayn tallaabada hadda ugu badan ee la filayo, inkastoo aan weli gebi ahaanba meesha laga saarin.
Go’aanka kama dambaysta ah waxaa iska leh guddiga madaxbannaan, kaas oo aan weli qaban dhageysiga ku saabsan ciqaabta Manchester City, Waxaa sidoo kale miiska saaran ciqaabo kale oo ay ka mid yihiin dhibco laga jaro, ganaax lacageed oo aad u weyn, ama xitaa Manchester City laga saaro Premier League.
Sidaas darteed, ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah oo City looga qaaday koobabkeedii, waxaana weli la sugayaa go’aanka guddiga madaxbannaan.

