RASMI :- Goolhayaha Andorra oo 12 kulan la ganaaxay kaddib geeridii naxdinta lahayd ee Jesús de Miguel

0

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa si rasmi ah ganaax 12 kulan ah ugu riday goolhayaha kooxda Andorra, Jesús Owono, kaddib dhacdadii naxdinta lahayd ee sababtay geerida ciyaaryahanka kooxda Tenerife, Jesús de Miguel.

Dhacdadan ayaa dhacday xilli De Miguel uu isku dayayay inuu kubadda gaaro, balse Owono uu si xooggan ugu dhacay, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco isaga oo dhaawac culus qaba.

Advertisment

Ciyaaryahanka ayaa si degdeg ah loogu qaaday isbitaalka, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay geeridiisa subaxdii xigtay.

Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa go’aamiyay in Owono laga ganaaxo 12 kulan, taasoo ah ciqaabta ugu badan ee uu dhigayo qodobka 102-aad ee xeerka anshaxa, kaas oo khuseeya falalka rabshadaha wata ee sababa dhaawacyo culus inta ciyaartu socoto.

Garsoorihii kulanka ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in ciyaarta la hakiyay kaddib markii xaaladda De Miguel ay noqotay mid halis ah, isla markaana ciyaartoyda labada kooxood aysan awoodin inay sii wataan kulanka.

Dhanka kale, ganaaxa ciyaareed ee lagu riday goolhayaha ayaa ka madax-bannaan baaritaanka ay booliska Spain ku hayaan dhacdadan, kaas oo uu kormeerayo garsoorka si loo ogaado dhammaan duruufihii ku xeernaa geerida ciyaaryahanka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here