Sida ay werisay Carmen Torres oo ka tirsan wargeyska MARCA, Barcelona ayaa afar jeer soo laabasho sameysay xilli ciyaareedkan, saddex ka mid ah La Liga halka midda kalena ay ka dhacday Champions League.
Tan iyo markii Hansi Flick uu Barcelona yimid, kooxdu waxay 133 kulan gudahood sameysay 23 soo laabasho oo guul lagu gaaray.
Tiradan ayaa Flick ku soo dhoweysay rikoodh taariikhi ah oo ay hore u dhigeen tababarayaashii waaweynaa ee Barcelona.
Pep Guardiola: Flick wuxuu hal guul oo soo laabasho ah u jiraa rikoodhkiisa.
Johan Cruyff: Wuxuu shan guul oo soo laabasho ah u jiraa rikoodhkiisa.
Haddii Barcelona ay sii waddo awooddan, Flick wuxuu fursad u haystaa inuu jebiyo rikoodhadii labada halyeey ee kooxda.

