Taageerayaasha Manchester United ayaa sameeyay mudaaharaad ballaaran oo ka dhan ah milkiilayaasha kooxda, qoyska Glazer iyo shirkadda INEOS, ka hor kulankii Champions League ee ay kooxdoodu la ciyaartay Roma habeenkii Talaadada.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, taageerayaasha Manchester United ayaa hawada ku sii daayay in ka badan 4,000 oo buufin oo isugu jiray midabada cagaar iyo dahab, iyagoo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan maamulka kooxda.
Mudaaharaadka ayaa ka dhacay garoonka Old Trafford, gaar ahaan qeybta caanka ah ee Stretford End, xilli la garaacayay heesta Champions League.
Midabada cagaar iyo dahab ayaa astaan u ah taariikhda Manchester United, maadaama ay ahaayeen midabadii kooxda Newton Heath ka hor inta aan magaceeda loo beddelin Manchester United sanadkii 1902.
Kooxda taageerayaasha ee lagu magacaabo The Stretford Enders ayaa abaabushay mudaaharaadkan, iyagoo ku muujinayay cabashadooda ku aaddan 21 sano oo ay qoyska Glazer maamulayeen kooxda.
Daqiiqaddii 21-aad ee ciyaarta, taageerayaasha ayaa sidoo kale garoonka ku tuuray kubbado tennis ah, xilli Manchester United ay Roma kaga dambeysay laba gool.
Ciyaartoyda ayaa ku qasbanaaday inay garoonka ka saaraan walxaha la tuuray, waxaana Matheus Cunha lagu arkay isagoo garoonka ka qaadaya cunto lagu soo tuuray.
Taageerayaasha ayaa sidoo kale dhaleeceyn xooggan u jeediyay Sir Jim Ratcliffe iyo shirkaddiisa INEOS, kuwaas oo qeyb ka ah milkiilayaasha Manchester United.
Carada taageerayaasha ayaa sii xoogeysatay kaddib markii kooxda ay laba guul oo keliya ka gaartay 13 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, sida ay sheegtay The Sun.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in taageerayaashu qorsheynayeen inay garoonka soo geliyaan boorar ay ku qoran yihiin:
“Ma doonayno garoon cusub, waxaan doonaynaa milkiilayaal cusub.”
Hase yeeshee, maamulka Manchester United ayaa la sheegay inuu hor istaagay in boorkaasi gudaha garoonka la geeyo, isagoo sabab uga dhigay inaan UEFA waqtigii loogu talagalay oggolaansho ka bixin.
Dhanka kale, taageerayaasha ayaa qorsheynaya mudaaharaad kale oo dhaca Axadda, marka Manchester United ay la ciyaareyso Aston Villa.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo cadaadis xooggan uu saaran yahay tababare Michael Carrick, waxaana la filayaa in maamulka kooxda uu mustaqbalkiisa ka go’aan gaaro inta lagu jiro fasaxa kulamada xulalka qaranka.

