WAR DEGDEG AH: Real Madrid oo si rasmi ah u shaacisay dhaawaca Mbappé & mudada uu maqnaan doono

0

Kylian Mbappé ayaa dhaawac jilibka bidix ah soo gaaray intii uu socday kulankii France iyo Türkiye, kaddib markii uu dhaliyay goolka guusha ee France, Real Madrid ayaa baaritaanno caafimaad ku sameysay Mbappé markii uu ku laabtay Madrid, waxaana kooxda ay xaqiijisay in uu qabo hyperextension ku dhacay qaybta dambe ee kapsulka jilibka bidix. Real Madrid waxay sidoo kale sheegtay in xaaladdiisa si joogto ah loola socon doono.

Mbappé ayaa sidaas uga haray kulamada kale ee xulka France inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah.

Advertisment

Wararka laga helayo Spain ayaa tilmaamaya in dhaawacu keeni karo maqnaansho ku dhow laba toddobaad, inkastoo Real Madrid aysan weli si rasmi ah u cayimin tirada maalmaha uu ciyaaryahanku maqnaan doono.

Mbappé ayaa hadda bilaabaya soo kabashada, waxaana la sugayaa baaritaanno iyo qiimeyn dheeraad ah si loo ogaado waqtiga saxda ah ee uu garoomada kusoo laabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here