“Man utd waxey ulaabaneysa Heerka 2-aad ee Serea B” Sidaasi waxaa yiri Macalinki….

0

Tababarihii hore ee Manchester United, Erik ten Hag, ayaa ka digay in kooxdiisii hore ay halis dhab ah ugu jirto inay xilli ciyaareedkan ka harto Premier League, Manchester United ayaa haatan ku jirta kaalinta 17-aad ee kala sarreynta horyaalka, kaddib markii ay toddobaadkii hore 2-0 kaga soo adkaatay Chelsea.

Red Devils ayaan wax guul ah gaarin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay, waxayna ilaa hadda sagaal kulan oo horyaalka ah ka urursatay toddobo dhibcood oo keliya, Ten Hag ayaa sheegay in tartanka adag ee Premier League uu sabab u yahay in koox kasta ay halis gasho, sidaas darteedna ay United khatar ugu jirto heerka labaad.

Advertisment

“Premier League gudihii arrintaasi waa suurtagal, sababtoo ah dhammaan kooxuhu waa kuwo xooggan,” ayuu Ten Hag u sheegay ESPN.

Manchester United ayaa kulanka Champions League ku martigelin doonta Roma, ka hor inta aysan dhammaadka toddobaadkan Premier League ku soo dhaweyn Aston Villa.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here