Halyeeygii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay tababaraha kooxda Michael Carrick, isagoo sheegay inuu nasiib ku leeyahay inuu weli shaqada ka hayo Old Trafford, kaddib natiijooyinkii liitay ee kooxdu dhowaan la kulantay.
Keane ayaa sheegay in Carrick iyo shaqaalihiisa tababarka ay tahay inay masuuliyadda qaataan, islamarkaana ay muujiyaan awood iyo kalsooni ay ku soo celin karaan natiijooyinka wanaagsan.
Wuxuu yiri: “Waa inay dhiirranaan muujiyaan oo ay bilaabaan inay natiijooyin keenaan. Sabtida waa inay Chelsea natiijo wanaagsan kala yimaadaan.”
Keane ayaa sidoo kale sheegay in Carrick uusan weli caddeyn inuu yahay tababare ku habboon mustaqbalka fog ee Manchester United.
Dhanka kale, United ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta xaalad adag, iyadoo laga soo badiyay Bournemouth 3-0, isla markaana ay hal dhibic oo keliya ka sarreyso aagga loogu laabto heerka labaad.
Carrick ayaa kulanka Chelsea ee Sabtida 31-ka Oktoobar hoggaamin doona Manchester United, iyadoo cadaadis xooggan uu saaran yahay.

