Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa xiddiga da’da yar Ibraima Tonkara fursad siinaya inuu ka mid noqdo kooxda koowaad ka hor kulanka Deportivo Alavés ee La Liga.
Tonkara ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kadib dhaawac dhowr toddobaad ka maqnaa, waxaana lagu casuumay tababarka kooxda koowaad, iyadoo Barcelona ay la tacaalayso dhaawacyo iyo maqnaansho ciyaartoy.
Xiddigan ayaa indhaha soo jiitay intii uu ku jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka, waxaana laga yaabaa inuu fursad u helo kulanka Alavés ee toddobaadka soo socda, kaas oo lagu ciyaari doono Camp Nou.
Tonkara ayaa tababarka kooxda koowaad ku wehliyay Hamza Abdelkarim iyo Alex Campos oo iyaguna ka tirsan kooxda Barcelona Athletic.

