Halyeeygii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in daafaca Chelsea ee Maxence Lacroix uusan si buuxda ugu qanacsanayn nidaamka difaac ee tababare Xabi Alonso.
Carragher ayaa aaminsan in Lacroix, oo Chelsea xagaagii kaga soo biiray Crystal Palace, uusan lahayn dhaq-dhaqaaq ku filan oo uu kula qabsan karo difaaca qof-ka-qofka ah ee Alonso isticmaalo.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Fan Debate, Carragher wuxuu ammaanay qaab ciyaareedkii Lacroix ee Crystal Palace. Hase yeeshee, wuxuu shaki geliyay awooddiisa marka Chelsea ay adeegsato afar daafac.
“Waxaan aad uga helay Lacroix markii uu Crystal Palace joogay, xilli ay ku ciyaarayeen nidaamka saddexda daafac. Laakiin markii aan daawaday kulankii Tottenham iyo kulamo kale, waxaan arkay isagoo difaacaya qof-ka-qofka. Ciyaartoydu boosaskooda ayay ka soo baxayeen, isaga na uma muuqan mid ku qanacsan ama leh dhaq-dhaqaaq ku filan nidaamkaas,” ayuu yiri Carragher.
Carragher ayaa sidoo kale sheegay in difaaca Chelsea uusan lahayn ciyaaryahan heer sare ah oo hoggaamin kara daafacyada, isagoo ku tilmaamay bandhigyadooda kuwo dhexdhexaad ah.

