Paul Scholes oo soo bandhigay Macalinka suurtagalka ee Man utd & kan ku haboon oo kusoo celin kara …..

0

Halyeeygii Manchester United, Paul Scholes, ayaa aaminsan in Antonio Conte uu yahay tababaraha ugu habboon ee beddeli kara Michael Carrick haddii kooxda ay go’aansato inay isbeddel sameyso.

Scholes ayaa sheegay in Conte uu ka duwan yahay musharraxiinta kale ee la hadal hayo, oo ay ku jiraan Eddie Howe iyo Julian Nagelsmann. Si kastaba, wuxuu ka digay tabeecadda tababaraha reer Talyaani, isagoo sheegay in mararka qaar ay muran dhaliso.

Advertisment

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad and The Football, Scholes wuxuu yiri: “Antonio Conte ayaa ah ninka ku habboon shaqadan, laakiin waxaa la socda digniin aad u weyn.”

Scholes ayaa sidoo kale ammaanay Unai Emery, balse wuxuu ku adkeystay in waayo-aragnimada Conte ee Juventus iyo Napoli ay ka dhigeyso musharrax uu si gaar ah u doonayo.

“Waxba igama gelin haddii uu joogayo 18 bilood oo keliya, haddii uu kooxda gaarsiiyo heer ay horyaalka ugu tartanto, taasi waxay noqon lahayd guul,” ayuu raaciyay.

Cadaadiska saaran Carrick ayaa sii kordhay kaddib markii Manchester United loogu awood sheegtay 3-0 kulankii ugu dambeeyay.

Kulanka soo socda ee ay United la ciyaari doonto Chelsea ayaa noqon kara mid muhiim u ah mustaqbalka tababaraha, iyadoo cadaadiska Old Trafford uu sii xoogeysanayo.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here