Tababaraha xulka qaranka Spain, Luis de la Fuente, ayaa saadaaliyey in xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal uu mustaqbalka ku guuleysan doono abaalmarinno badan oo Ballon d’Or ah, iyo sidoo kale koobab waaweyn oo kooxeed.
De la Fuente ayaa sheegay in Yamal uu leeyahay karti iyo tayo aad u sarreeya, isla markaana uu aaminsan yahay inuu mustaqbalka noqon doono mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn kubadda cagta adduunka.
Tababaraha Spain ayaa xusay in inkastoo Yamal uu heli doono abaalmarinno shaqsiyeed oo badan, haddana waxa ugu muhiimsan ay tahay inuu ku guuleysto koobab kooxeed, kuwaas oo uu sheegay inuu ciyaaryahanku aad u qiimeeyo.
Ugu dambeyn, De la Fuente ayaa kula dardaarmay Yamal inuu is dejiyo oo uu kalsooni ku qabo awooddiisa, isagoo ammaanay kartidiisa kubadda cagta iyo shakhsiyaddiisa wanaagsan.
Hadalka De la Fuente ayaa muujinaya kalsoonida weyn ee uu ku qabo mustaqbalka Lamine Yamal, kaas oo loo arko mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu hibada badan kubadda cagta adduunka.

