Haryy kane ayaa ku guuleystay abaalmarinta best Striker ee Gerrard Muller.

Kooxda ugu fiican dunida ee sanadkan ayaa loo doortay

=======================================================
Thierry Henry ayaa weydiiyay madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, sida ay muhiim ugu tahay kooxda inay mar kale ku guuleysato Champions League.
🎙️ Joan Laporta ayaa ku jawaabay:
“Waxaan jeclaan lahaa inaan dib u soo ceshanno koobkii aan kula guuleysannay Rome sannadkii 2009, kaas oo ahaa Champions League.
Xilli ciyaareedkan, waxaan xoogga saarnay sidii aan ugu guuleysan lahayn horyaalka La Liga markii saddexaad oo xiriir ah. Dabcan, hadafkeenna kale wuxuu ahaa inaan ku guuleysanno Champions League.
Laakiin arrimuhu aad bay u adkaa, run ahaantiina, waxaan la kulannay caqabado badan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in xilli ciyaareedkan aan ka mid nahay kooxaha loo saadaalinayo inay ku guuleystaan koobka.”

=================================================
Website-ka rasmiga ah ee abaalmarinta Ballon d’Or ayaa si kama’ ah u baahiyay warar sheegaya in Harry Kane, Lamine Yamal iyo Kylian Mbappé ay ku guuleysteen abaalmarinta Ballon d’Or 2026.
Wararkan ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, iyada oo taageerayaasha kubadda cagta ay isweydiinayeen cidda dhab ahaantii ku guuleysatay abaalmarinta ugu weyn ee kubadda cagta adduunka.
Guddiga Ballon d’Or ayaa arrintan ka hadlay, iyaga oo sheegay in qoraallada ciyaartoyda qaarkood si kama’ ah internet-ka loogu baahiyay.
Guddigu wuxuu caddeeyay in qoraalladaas horay loogu sii diyaariyay dhammaan ciyaartoyda loo magacaabay abaalmarinta, si loogu daabaco haddii ay ku guuleystaan.
Waxay sidoo kale sheegeen in qoraalladaasi aysan muujinayn kala sarreynta kama dambaysta ah ama saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya.
Sidaas darteed, baahinta qoraalladaas looma qaadan karo caddeyn muujinaysa in Harry Kane, Lamine Yamal ama Kylian Mbappé uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2026.

==================================
Xiddiga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka England, Bukayo Saka, ayaa lagu sheegay inuu ku guuleystay abaalmarinta Socrates Award ee xafladda Ballon d’Or 2026.
Abaalmarintan ayaa lagu maamuusaa ciyaartoyda kubadda cagta ee ka qayb qaata samafalka, taageera bulshada, isla markaana ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo horumarinta nolosha dadka.

========================
Uni Simon ayaa noqday goolhayaha dunida uni Simonn.


===============================
Tababaraha ugu fiican dunida waxaa ku guuleystay macalinka xulka spain luis dele feunte

===========
🏆✨ 10ka xidig ee da’yarada ee ugu fiian 2026. 1️⃣ Lamine Yamal 🇪🇸 2️⃣ Pau Cubarsi 🇪🇸 3️⃣ Zaïre-Emery 🇫🇷 4️⃣ Lennart Karl 🇩🇪 5️⃣ Yan Diomandé 🇨🇮 6️⃣ Ayyoub Bouaddi 🇲🇦 7️⃣ Kerim Alajbegovic 🇧🇦 8️⃣ Junior Kroupi 🇫🇷 9️⃣ Ibrahim Maza 🇩🇿 🔟 Johan Manzambi 🇨🇭

Xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ugu wanaagsan ee Ballon d’Or 2026, oo loo yaqaan Kopa Trophy.
Yamal, oo 19 jir ah, ayaa abaalmarintan ku guuleystay markii saddexaad oo xiriir ah, kaddib guulihii uu gaaray sannadihii 2024 iyo 2025.
Guushan ayaa sii xoojinaysa sumcadda xiddigan da’da yar, kaas oo ka mid ah ciyaartoyda sida weyn looga hadal hayo kubadda cagta adduunka.
10ka laacib ee ugu fiican oo lasoo saaray liiska kama dambeysta kubada dahabka , 🇫🇷 Kylian Mbappé 🏴 Harry Kane 🇪🇸 Lamine Yamal 🇦🇷 Lionel Messi 🇪🇸 Rodri 🇬🇪 Khvicha Kvaratskhelia 🇫🇷 Michael Olise 🇫🇷 Ousmane Dembélé 🇳🇴 Erling Haaland 🇪🇸 Fabián Ruiz

