Dharbaaxo kulul oo ku dhacday Real Madrid kahor kulanka Classico & Wararkii ugu dambeeyey

0

Real Madrid ayaa dhabar-jab la kulantay ka hor kulanka El Clásico ee ay caawa la ciyaarayso Barcelona, kaddib markii goolhaye Thibaut Courtois looga reebay ciyaarta sababo la xiriira hargab.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in maqnaanshaha degdegga ah ee goolhayaha reer Belgium uu Real Madrid ku qasbay inay u yeerto goolhayaha da’da yar ee Ilya Voloshin, kaasoo ku biiray kooxda si uu ugu diyaar garoobo kulanka.

Advertisment

Ciyaartan ayaa muhiimad weyn u leh Barcelona, maadaama ay fursad u haysato inay farqiga dhibcaha ee Real Madrid ka dhigto sagaal dhibcood. Sidoo kale, waxay doonaysaa inay ka fogaato Atlético Madrid oo hadda laba dhibcood oo keliya ka dambaysa kooxda reer Catalonia, kaddib guushii ay shalay gaartay.

Barcelona waxay sidoo kale hiigsanaysaa inay gaarto 10 guulood oo xiriir ah, si ay u sii waddo loollanka ay ugu jirto inay sameyso bilowgii ugu fiicnaa taariikhda La Liga.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in guul ay ku gaarto garoonka Spotify Camp Nou ay Barcelona siin doonto dhiirrigelin weyn, iyadoo labada kooxood uu ka dhexeeyo khilaaf maamul oo la xiriira arrimaha garsoorka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here