Lionel Messi oo lakulmaya boqorka Spain & Musharaxa biladda ugu laacibka ugu fiican …..

0

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Oviedo ee dalka Spain, halkaas oo Jimcaha lagu guddoonsiin doono abaalmarinta Prince of Asturias ee qaybta Isboortiga.

Sida ay sheegayaan wararka la baahiyey, Messi ayaa caawa ka qayb geli doona casho sharaf uu kula kulmi doono Boqorka iyo Boqoradda Spain, taasoo qayb ka ah munaasabadaha la xiriira booqashadiisa.

Advertisment

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusayaa guulaha iyo kaalinta uu Messi ku leeyahay kubadda cagta, isaga oo ka mid ah ciyaartoyda ugu magaca weyn taariikhda ciyaartan.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Oviedo maalinta Jimcaha.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here