DEG DEG :- Lamine Yamal oo diyaarad gaar ah u kireystay xafladda Ballon d’Or ?

0

Xiddiga Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa la sheegay inuu diyaarad gaar ah u kireystay safarka uu ku tagayo London, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono xafladda Ballon d’Or.

Wararka ayaa sheegaya in Yamal ay safarka ku wehelin doonaan dhammaan xubnaha ku dhow, kuwaas oo qeyb ka ah qoyskiisa iyo dadkiisa gaarka ah.

Advertisment

Dhanka kale, magaalada Paris ayaa la sheegay inuu horay uga sii diyaarsaday xaflad uu qaban doono haddii uu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Kooxda Barcelona ayaa iyaduna diyaarad gaar ah oo kale ugu safri doonta xafladda, iyadoo ay la socdaan xubnaha kale ee kooxda iyo musharraxiinta abaalmarinta.

Indhaha taageerayaasha kubadda cagta ayaa si weyn ugu jeeda Yamal, iyadoo la sugayo natiijada abaalmarinta ugu weyn ee shaqsiga ah ee kubadda cagta.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here