Tababaraha Chelsea, Xabi Alonso, ayaa la sheegay inuu maamulka kooxda kula taliyay inay diyaar u ahaadaan saxiixa xiddiga reer Jarmal ee Florian Wirtz, haddii uu suuqa soo galo xagaaga soo socda.
Sida uu qoray wargeyska TEAMtalk, Chelsea hadda si toos ah uguma raadjoogto Wirtz, balse waxay si dhow ula socotaa xaaladdiisa Liverpool, iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan sida uu ula qabsanayo kooxda Anfield.
Alonso ayaa Wirtz hore ugala soo shaqeeyay Bayer Leverkusen, wuxuuna si wanaagsan u yaqaannaa awooddiisa iyo kartidiisa ciyaareed. Liverpool ayaa xiddigan ku soo iibsatay lacag gaareysa ilaa 116 milyan oo gini, iyadoo rajaynaysa inuu noqdo ciyaaryahan muhiim u ah mustaqbalka kooxda.
Wirtz ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay saddex caawin, wuxuuna sidoo kale dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay xilli ciyaareedka kulankii Liverpool ay 4-3 kaga badisay Villarreal.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Liverpool ayaa la sheegay inuu doonayo in Wirtz uu muujiyo waxqabadkii laga filayay, inkastoo aysan weli jirin go’aan rasmi ah oo ku saabsan iibintiisa.
Chelsea ma aha kooxda keliya ee xiisaynaysa xaaladdiisa, waxaana sidoo kale la sheegay in Bayern Munich ay si dhow ula socoto mustaqbalkiisa.

