Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa sheegay in kulanka El Clásico uu leeyahay qiimo gaar ah, isagoo kooxdiisa ku boorriyey inay si buuxda isugu diyaariso kulanka Axadda ay la ciyaarayaan Barcelona.
Mbappé ayaa sidoo kale ammaanay saaxiibkiis Vinícius Júnior, isagoo sheegay in haddii uu niyad-jabsan yahay ay taasi ka timid rabitaankiisa xooggan ee ah inuu kooxda wax badan ku soo kordhiyo.
Xiddiga reer France ayaa Vinícius kula taliyey inuu is dejiyo, isla markaana naftiisa ku kalsoonaado, maadaama uu yahay ciyaaryahan tayo sare leh.
Mbappé ayaa sidoo kale sheegay in Real Madrid ay muhiim u tahay inay ku dhammaysato siddeedda kooxood ee ugu sarreeya heerka horyaalka Champions League, isagoo xusay inay weli u harsan yihiin shan kulan.
Ugu dambayn, Mbappé ayaa qirtay inuu isagu awood u leeyahay inuu wax badan soo kordhiyo, isagoo muujiyey diyaar-garowga kulanka El Clásico iyo toddobaadka ay sidoo kale ka dhici doonto munaasabadda Ballon d’Or.

