Real Madrid oo garaacday Leipzig ka hor El Clásico

0

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay RB Leipzig kulan ka tirsanaa wareegga saddexaad ee heerka horyaalka Champions League xilli ciyaareedka 2026/2027.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku badisay 4-1, iyadoo goolasha u kala dhaliyeen Bernardo Silva, Arda Güler, Kylian Mbappé iyo Diomande, halka Leipzig ay dhalisay hal gool oo ay ku yaraysay farqiga.

Advertisment

Guushan ayaa Real Madrid siisay 9 dhibcood oo buuxa saddexdii kulan ee ay ciyaartay tartanka Champions League.

Kooxda tababare José Mourinho ayaa hadda isu diyaarinaysa kulanka weyn ee El Clásico, iyadoo Axadda soo socota la ciyaari doonta Barcelona garoonka Spotify Camp Nou.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here