Khabiirka garsoorka Iturralde González ayaa ka hadlay go’aannadii muranka dhaliyey ee kulankii Barcelona iyo Real Betis, isagoo xaqiijiyey in garsooruhu si sax ah u baabi’iyey goolkii Real Betis, isla markaana uu sax ahaa casaankii Facundo Bernal.
Gool uu Lo Celso u dhaliyey Real Betis ayaa la baabi’iyey kaddib markii VAR ay garsooraha ku wargelisay in Hernández uu kubadda gacanta ku taabtay. Khabiirka ayaa sheegay in go’aankaasi sax ahaa, maadaama gacanta ciyaaryahanku ay ku jirtay meel aan dabiici ahayn, isla markaana ay u dhaqaaqaysay dhinaca kubadda.
Dhanka kale, Facundo Bernal ayaa kaarka cas loo taagay kaddib markii uu madaxa ku dhuftay xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, xilli muran uu dhex maray ciyaartoyda labada kooxood. Iturralde González ayaa sheegay in casaanku sax ahaa, inkastoo uu xusay in Yamal uusan ku lug yeelan lahayn kicinta xiisadda.
Khabiirka ayaa sidoo kale ammaanay garsoorihii afraad oo arkay dhacdada una gudbiyey garsooraha dhexe, balse wuxuu tilmaamay in goolhayaha Betis, Valles, isagana ay ahayd in la siiyo kaarka jaallaha ah, kaddib markii uu ka baxay xeradiisa si uu ugu biiro muranka.

