Tababaraha Man utd Carrick oo doonaya inuu jebiyo rikoor xun oo ka haysta Farke

0

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa doonaya inuu guushiisii ugu horreysay ka gaaro Daniel Farke marka ay Axadda ku kulmaan Leeds United garoonka Elland Road.

Carrick ayaa laga badiyey dhammaan shantii kulan ee horyaalka ahaa ee uu tababare ahaan la ciyaaray Farke, sida ay sheegtay xogta Opta.

Advertisment

Manchester United ayaa ku jirta xaalad adag, iyadoo sagaalkii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkan ay guuleysatay laba jeer oo keliya.

Dhanka kale, Farke ayaa difaacay Carrick, isagoo sheegay inuu yahay tababare da’yar oo rajo leh, isla markaana mudan in fursad la siiyo.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here