Kooxda Barcelona ayaa heshay war wanaagsan kaddib markii xiddiga reer Brazil ee Raphinha uu maanta dhammaystiray tababar buuxa oo uu la qaatay ciyaartoyda kooxda koowaad, taas oo sare u qaadaysa rajada laga qabo inuu dhawaan garoomada kusoo laabto.
Sida uu weriyey khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, Raphinha ayaa diyaar u ah inuu dib ugu soo biiro kooxda Barcelona, iyadoo kulamada soo socda ee Real Betis iyo Paris Saint-Germain ay yihiin kuwa muhiimka u ah qorshaha soo laabashadiisa.
Raphinha ayaa dhaawac muruqa bowdada midig ah ku maqnaa, kaas oo uu la kulmay intii uu ku jiray waajibaadka xulka qaranka Brazil. Dhaawacaasi wuxuu sababay inuu seego kulamadii Barcelona ay la ciyaartay Getafe iyo Galatasaray.
Inkasta oo Raphinha uu suuragal u yahay inuu diyaar noqdo kulanka Real Betis, haddana kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League ayaa ah midka ugu weyn ee loo qorsheynayo inuu si buuxda ugu soo laabto.
Tababare Hansi Flick ayaa doonaya inuu hubiyo in xiddiga reer Brazil uu si buuxda uga soo kabtay dhaawaca, isla markaana uusan halis ugu jirin inuu mar kale dhaawacmo.
Barcelona ayaa wajahaysa jadwal adag, iyadoo marka hore la ciyaari doonta Real Betis, kaddibna ay wajihi doonto PSG, ka hor kulanka weyn ee Real Madrid. Soo laabashada Raphinha waxay kooxda siin kartaa awood dheeraad ah weerarka.
War kale oo wanaagsan ayaa ah in khadka dhexe ee Frenkie de Jong uu sidoo kale dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda, sida uu sheegay weriyaha Nil Sola, Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa muddo ku maqnaa dhaawac jilibka ah, waxaana soo laabashadiisu siin kartaa Barcelona xulasho dheeraad ah oo khadka dhexe ah.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan ciyaartoyda ka qaybgalaya kulamada soo socda waxaa qaadan doona Hansi Flick iyo shaqaalaha caafimaadka, iyadoo aan la doonayn in ciyaartoyda lagu degdego.

