“Aniga ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda”, Dagaalkii baraha bulshada ee Ronaldo uu dhaliyey

0

Xiddiga reer Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa dhaliyay dood cusub kadib markii dib loo faafiyay wareysi uu bixiyay sannadkii 2025, kaas oo uu ku sheegay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Ronaldo ayaa wareysiga ku yiri: “Aniga ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, waana intaas,” isagoo intaas ku daray in dadku aysan qiimeyn heerka ciyaareed ee uu soo bandhigo iyo goolasha uu dhaliyo.

Advertisment

Wareysigan oo ay baahisay CNN Portugal, isla markaana ay soo xigatay warbaahinta The Athletic, ayaa laga tirtiray kanaalka dhowr saacadood kadib markii la baahiyay. Sababta ayaa lagu sheegay in wareysigu ahaa mid hore oo la duubay sannadkii 2025.

Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay inuusan garanayn waxa mustaqbalka dhici doona, isla markaana ay suuragal tahay inuu maalin uun waayo dhiirrigelinta uu kubadda cagta ku ciyaaro.

Hadaladan ayaa dib loo faafiyay xilli Ronaldo uu wajahayo khilaaf la xiriira xulka qaranka Portugal iyo tababare Jorge Jesus. Wararka ayaa sheegaya in Ronaldo uu ka baxay xerada xulka, halka xiriirka kubadda cagta Portugal uu ku dhawaaqay ganaax ku-meel-gaar ah oo saameynaya kabtanka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here