Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku jira loollan adag oo ay ku doonayaan saxiixa da’yarka JJ Gabriel, oo 16 jir ah kana tirsan Manchester United, kaas oo lagu naanayso “Messi-ga yar”.
Sida ay wararku sheegayaan, Gabriel ayaa go’aansaday inuu ka tago Manchester United, waxaana la filayaa in mustaqbalkiisa la go’aamiyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Janaayo 2027, Labada kooxood ee reer Spain ayaa xiiseynaya saxiixiisa, halka Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale la socdaan xaaladdiisa.
Wararka ayaa sheegaya in Real Madrid ay aaminsan tahay inay fursad fiican u leedahay heshiiska, balse Barcelona weli tartanka kama harin. Bayern Munich ayaa iyaduna xiriir la samaysay wakiillada ciyaaryahanka, inkastoo aysan weli soo bandhigin dalab rasmi ah.
Caqabadda ugu weyn ee heshiiska ayaa la xiriirta dukumentiyada rasmiga ah iyo helitaanka baasaboor Yurub ah oo u fududeyn kara inuu ku biiro koox ka ciyaarta Midowga Yurub.
Manchester United ayaa doonaysa inay sii haysato da’yarka, balse wararku waxay tilmaamayaan in ciyaaryahanku durba go’aansaday bixitaanka. Haddii uu ka tago England, kooxda ayaa la sheegay inay heli karto qiyaastii £350,000 oo magdhow ah oo la xiriira tababarka iyo horumarintiisa.
Go’aanka kama dambaysta ah waxaa iska leh JJ Gabriel iyo qoyskiisa, iyadoo Barcelona iyo Real Madrid ay isku diyaarinayaan loollanka saxiixiisa ka hor suuqa kala iibsiga Janaayo.

