Xiddiga Real Madrid ayaa si qiiro leh goolkiisii ugu horreeyay ee garoonka Santiago Bernabéu ugu hibeeyay walaashiis, isagoo sheegay inay door weyn ka qaadatay dhiirrigelintiisa iyo inuu waligiis ka quusan riyadiisa kubadda cagta.
Isagoo ka hadlayay goolka, ayuu yiri: “Goolkan waxaan u hibeynayaa walaashay. Waa goolkeygii ugu horreeyay ee aan ka dhaliyo Bernabéu, waana mid iyada u gaar ah.”
Wuxuu intaas ku daray in walaashiis ay mar walba ku dhiirrigeliso inuusan quusan, isla markaana ay maalin kasta wada hadli jireen:- “Ma ihi qof si fudud u muujiya shucuurtiisa, laakiin waxay ahayd waqti wanaagsan inaan sheekadayda la wadaago adduunka. Waxay igu dhiirrigelisaa inaanan is dhiibin, inaan si adag u shaqeeyo oo aan riyooyinkayga rumoobo,” ayuu yiri.
Xiddiga ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay inuu doonayo inuu gaaro dhammaan himilooyinkiisa, isagoo aaminsan in guushiisu ay farxad gelin doonto walaashiis.

