Kooxda Real Madrid ayaa u safri doonta dalka Maraykanka safar isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si ay isugu diyaariyaan bilowga xilli ciyaareedka 2024/25.
Laakin kooxda ayaa horay u xaqiijisay in ciyaartoyda gaaray Euro 2024 iyo Copa America 2024 semi-finalka ama finalka aysan ku lug yeelan doonin safarkan.
Sababta ka danbeysa ayaa ah in Los Blancos ay doonayso in ciyaartoydeeda ay si fiican u nasiyaan kadib ciyaaraha caalamiga ah waxayna siin doontaa fasax saddex todobaad ah.
Marka la eego, Real Madrid waxa ka maqnaan doona 7 ciyaaryahan oo muhiim u ah kooxda koowaad. Tani waa ka dib markii France, Spain iyo England ay gaareen semi-finalka Euro 2024.
Kylian Mbappe, Eduardo Camavinga, Ferland Mendy, iyo Aurelien Tchouameni ma ciyaari doonaan seddexda kulan ee saaxiibtinimo ee USA oo uu ku jiro kulanka Barcelona.
Fede Valverde waa ciyaaryahanka kaliya ee Real Madrid ka tirsan ee semi-finalka Copa America. Waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulamada kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Real Madrid ayaa wajihi doonta AC Milan (July 31), Barcelona (August 3) iyo Chelsea (August 6) waana qayb ka mid ah kulamadeeda USA.
Be the first to comment