7 Up: Man United Oo Xasuuqday Barnsley, Carabao Cup Ayay Ciyaareen.

Kooxda Man United ayaa xasuuq ba’an u gaysatay kooxda Barnsley kulan ka tirsanaa tartanka Carabao Cup-ka.

Erik Ten Hag ayaa shaxda ku soo galay xiddigaha aan sida joogtada ah ugu ciyaarin kooxda kulamadii hore ee xilli ciyaareedka.

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 16-aad waxana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man United ayaa sii waday dadaalada waxana daqiiqadii 36-aad goolka u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa daqiiqadii 45-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Qaybtii dambe ayay Man United sii waday weerarada iyaga oo u muuqday kuwo doonayay doonayay in ay badiyaan goolasha.

Daqiiqadii 49-aad ayuu xiddiga Alejandro Garnacho dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Marcus Rashford ayaa daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 5-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 5/0.

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay Nus-darsinka goolasha iyada oo uu Christian Eriksen dhaliyay goolka 6-aad ee kooxdiisa.

Xiddiga Christian Eriksen ayaa dhaliyay goolka 7-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay natiijo waali ah oo ah 7/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United xasuuqday Barnsley

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga