
Kabtanka kooxda Arsenal, Martin Ødegaard, lama filayo inuu garoomada ku soo laabto ilaa kadib fasaxa caalamiga ah ee bisha November.
Xiddiga xulka Norway ayaa dhaawac ka soo gaaray seedda MCL inta lagu jiray guushii 2-0 ee ay Arsenal ka gaartay kooxda West Ham dhawaan.
Waxaa lagu qasbay Ødegaard inuu ka haro xulka qaranka Norway, waxaana haatan jirta caddayn dheeraad ah oo ku saabsan goorta la filayo inuu garoomada ku soo laabto.
BBC Sport ayaa werinaysa in Martin Ødegaard aan la filayn in uu ku soo laabto ilaa bartamaha bisha November, taasoo sidoo kale la jaanqaadaysa xogta ay heshay Football.London — oo sheegaysa in Ødegaard laga yaabo inuu seego muddo u dhaxaysa afar ilaa lix toddobaad, kaddib dhaawacii soo gaaray 4-tii October.
Haddii Martin Ødegaard uu garoomada ka maqnaado lixda toddobaad ee buuxa, waxa uu seegi doonaa toddobo kulan.
Arsenal ayaa ku laaban doonta ciyaaraha Premier League Sabtida, iyagoo booqanaya Fulham, ka hor inta aysan martigelin Atletico Madrid ciyaar ka tirsan Champions League.
Kooxda Arsenal ayaa kadib martigelin doonta kooxda Crystal Palace oo xilli ciyaareedkan wacdarro dhigtay, ka hor inta aysan soo dhaweynin Brighton garoonka Emirates ciyaar ka tirsan EFL Cup.
Kooxda Mikel Arteta ayaa markaas safar dheer ku tagi doonta woqooyiga si ay ula ciyaaraan Burnley, taasoo ay ku xigi doonto booqasho ay ku aadayaan Slavia Prague tartanka Champions League. Intaas kadibna, waxay wajihi doonaan safar adag oo kale oo ay ku aadi doonaan Sunderland, 8-da November.
Be the first to comment