6 Ciyaartoy Oo Real Madrid Oo Doonaya In Shaqada Laga Caydhiyo Xabi Alonso.

Ugu yaraan lix ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay doonayaan in tababare Xabi Alonso shaqada laga eryo.

Sida ay warisay Mundo Deportivo, Vinicius Junior ayaa ah ciyaaryahanka ugu weyn ee ka soo horjeeda Alonso, iyadoo lagu sheegay inuu si caro leh u falceliyey markii la beddelay intii lagu jiray El Clasico bishii la soo dhaafay.

Kooxda Real Madrid ayaa hadda u kala qaybsan laba garab oo ku saabsan tababaraha hore ee Bayer Leverkusen.

Fede Valverde, Brahim Diaz, Rodrygo, Endrick, iyo Ferland Mendy ayaa dhammaantood la sheegay inaanay ku faraxsaneyn magacaabista Alonso isla markaana ay rabaan in la beddelo.

Kuwa ku faraxsan Alonso waxaa ka mid ah laacibiinta xagaagan lagu soo biiriyey Dean Huijsen iyo Alvaro Carreras, xiddiga da’da yar ee Turkiga Arda Guler, goolhayaha Thibaut Courtois, iyo Kylian Mbappé.

Real Madrid ayaa haatan hal dhibic uga horreysa Barcelona kadib markii ay Axaddii 2-2 labarbardhac ku galeen Elche, iyagoo ku jira hogaanka LaLiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga