4-ta Xul Ee U Gudbi Doona Wareega 8 Dhamaadka Koobka Africa Oo La Saadaaliyay.

Xiddigii hore ee xulka Cameroon, Joel Epalle, ayaa magacaabay afar dal oo uu rumeysan yahay inay u gudbi doonaan wareegga siddeed dhammaadka (quarter-final) marka laga soo baxo wareegga 16-ka ee tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee hadda ka socda Morocco.

Epalle ayaa ku adkeystay in dalal ay ka mid yihiin Morocco, Nigeria, Masar, iyo Cameroon ay u gudbi doonaan siddeedda ugu dambeysa ee tartanka.

Isagoo la hadlayay CAF TV, Epalle oo 47 jir ah ayaa sidoo kale sheegay in kulanka wareegga 16-ka ee u dhexeeya Cameroon iyo Koonfur Afrika uu noqon doono mid ka mid ah ciyaaraha ugu xiisaha badan ee wareegga bug-baxa.

“Waxaa jiri kara yaabab yar, balse marka la eego kulamada, caqligu wuxuu tilmaamayaa in Morocco, Masar, Ivory Coast, iyo Nigeria ay u gudbi doonaan wareegga quarter-final,” ayuu yiri Epalle.

“Kulanka u dhexeeya Koonfur Afrika iyo Cameroon wuxuu mudan yahay in si gaar ah loo daawado. Tababaraha Koonfur Afrika, Hugo Broos, si fiican ayuu u yaqaannaa Indomitable Lions, maadaama uu kula guuleystay AFCON 2017.

“Dhinaca farsamada iyo xeeladaha, kulankani wuxuu noqon karaa mid ka mid ah ciyaaraha ugu fiican wareegga 16-ka ee AFCON.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga