4-ta kooxood ee hogaamineysa in Man City laga tuuro Horyaalka loona Celiyo heerka 2aad oo la ogaaday ?

0

Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ayaa la sheegay inay qiimeynayaan tallaabooyin sharci ah iyo magdhow ay ka dalban karaan Manchester City, kaddib markii kooxda lagu helay inay jebisay inta badan eedeymaha dhaqaale ee Premier League.

Manchester City ayaa lagu helay dambiyo la xiriira 114 ka mid ah 115 eedeymood, kuwaas oo ku saabsanaa xeerar dhaqaale oo la sheegay in la jebiyey intii u dhexeysay 2009 iyo 2018, Warbixintu waxay sheegtay in Manchester United ay bilowday inay qiimeyso khasaaraha dhaqaale ee ay kooxda u aragto inuu ka dhashay jebinta xeerarka City. Qiimeyntan ayaa si gaar ah diiradda u saartay xilliyadii United ay si toos ah ula tartantay City.

Advertisment

Waxaa ka mid ah xilliyada la baarayo 2011/12 iyo 2017/18, markaas oo Manchester United ay kaalinta labaad kaga dhammaatay City. Sidoo kale United ayaa xilli ciyaareedkii 2015/16 kaalinta shanaad ku dhammaatay, halka City ay kaalinta afraad kaga hor martay farqiga goolasha, taas oo siisay City booska Champions League.

Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ayaa iyaguna ka mid ah kooxaha la sheegay inay hore u xafideen xaqa ay ugu dalban karaan magdhow haddii tallaabooyin rasmi ah laga qaado City.

Dhanka kale, waxaa la hadal hayaa ciqaabo kala duwan oo Manchester City wajihi karto, kuwaas oo ay ka mid yihiin ganaax lacageed, dhibco laga jaro ama xitaa laga saaro Premier League. Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin ku saabsan in koobab hore dib loo eegi karo, balse ciqaabta rasmiga ah weli lama go’aamin.

Manchester City ayaa mar walba beenisay eedeymaha, waxaana la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato go’aanka. Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in hanaanka Premier League uu weli socdo, isla markaana ay jiraan marxalado kale oo muhiim ah oo aan weli la dhammeystirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here