3 Xiddig Oo Real Madrid Ka Maqnaan Doona Kulanka Semi-final-ka Copa Del Rey-ga.

Kooxda Real Madrid waxa ka maqnaan doona xiddigaha Kylian Mbappe, Federico Valverde iyo Thibaut Courtois kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.

Kooxda heysata horyaalka La Liga iyo Champions League ayaa isha ku heysa inay ku guuleysato Copa del Rey markii 21-aad ee taariikhdooda laakiin waxa ay u baahanyihiin in ay dhaafaan Real Sociedad.

Madrid ayaa guul ka gaartay Real Sociedad bishii Sebtembar, iyadoo labo rigoore ay kala dhaliyeen Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior, laakiin ma aysan ku jirin qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa Kulamadii ugu dambeeyay.

Ka hor kulanka waxa jira 3 xiddig oo ka maqnaan doona kulanka muhiimka ah ee kooxda Semi-final-ka tartanka

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga